Monday, June 16, 2025

Deni oo soo jeediyey Shir Qaran iyadoo ay baaqatay madashii 15 Juun

By Asha Elmi

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah ugu soo jeediyey beesha caalamka in ay taageerto shir qaran oo dhameystiran oo loo dhan yahay, kaasoo looga golleeyahay in xal waara laga gaaro ismariwaaga siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland 14-kii Juun 2025, shirka uu Madaxweyne Deni soo jeediyay waxaa lagu casuumi doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, iyo daneeyeyaasha kale ee muhiimka ah ee kaalin ku leh siyaasadda dalka.

Puntland ayaa hay’adaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ), ku tilmaamay in uu yahay “mid jabay” oo aan hadda matalin danaha iyo rabitaanka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu soo jeediyay in la qabto Shirweyne loo dhanyahay maadaama Golihii wadatashiga Qaran (NCC) uu hawlgab noqday.” Ayaalagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa soo jeedintan ku muujiyay kulan fogaan arag ah oo uu la yeeshay wakiillo ka tirsan beesha caalamka, waxaana kulankaasi hogaaminayay James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland, kulankaasi wuxuu diiradda saaray xaaladda siyaasadeed iyo amniga ee dalka.

Madaxtooyadu waxay carrabka ku adkaysay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo hannaan wada-tashi oo loo siman yahay, iyadoo lagu eedeeyay Golaha Wadatashiga Qaranka in uusan hadda ahayn madal lagu gaari karo go’aamo qaran oo lagu mideysan yahay.

Waxaa xusid mudan in soo jeedinta Madaxweyne Deni ay la jaanqaadeyso dalab horey uga yimid Madasha Samatabbixinta Soomaaliyeed, oo ah madal ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaas oo isna ku baaqay in la qabto shir qaran oo hal meel isugu keenaya dhammaan madaxda iyo qaybaha siyaasadeed ee dalka.

Baaqa Puntland ayaa kusoo beegmay xilli uu baaqday shir wadatashi oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu waday in uu qabsoomo 15-ka Juun, balse aan si rasmi ah loo caddeyn sababta baaqshadiisa.

Puntland ayaa horey u caddeysay in aysan ka qeyb geli doonin shirkaasi, iyagoo ku dhaliilay geeddi-socodka siyaasadeed ee Villa Somalia in uu yahay mid ku saleysan kelitalisnimo iyo xadgudubka nidaamka federaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here