Saturday, August 9, 2025

Mucaaradkii ugu cadcadaa Soomaaliya oo ka maqan GWQ

Muqdisho, Soomaaliya – Shirka Wadatashiga Qaran ee si weyn loo sugayay ayaa si rasmi ah uga furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho 16-ka Juun 2025, waxaana lagu wadaa in uu socdo ilaa 19-ka Juun. Shirka oo socon doona afar maalmood, laguna wado inuu soo gabagaboobo 19-ka Juun, ayaa lagu talagalay in la isu keeno mas’uuliyiin sare oo dowladda ah iyo madax hore (madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal, madax dowlad-goboleed, ra’iisul wasaareyaal ku-xigeenno), ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan, bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiin muhiim u ah shirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furay shirka, isaga oo khudbad uu jeediyay ku adkeeyay baahida loo qabo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed iyo dib u heshiisiin dhab ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in waddo wadahadal furan lagu xalliyo arrimaha taagan, si loo dhiso dowladnimo waarta.

“Haddii markii hore la baryi jiray hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, maanta anaga ayaa gogosha dhignay oo baryootamayno si hadal naloola yeesho,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi, oo ka mid ah ka qeybgalayaasha shirka, ayaa bogaadiyay gogosha wadatashiga, isagoo si gaar ah u dhaliilay maqnaanshaha siyaasiyiinta mucaaradka kuna baaqay ka soo qeygalkeeda, Wuxuubsidoo kale taageeray hanaanka dowladda ee doorasho qof iyo cod ah inay ka dhici karo dalka isagoo sheegay in aanay jirin wax caqabad ah oo hor istaagi kara doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

“Aniga waxaan qabaa in doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo dalka, haddii aan la isyeeyeeleen,” ayuu yiri Geedi.

Sidoo kale, Mahdi Maxamed Guuleed oo soo naqoday raysulwasare xigeen ahna hadda xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalaka Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha in dib loo bilaabo wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo geeddi-socodkaas.

Marka laga soo tago madaxda kasoo qayb gashay, shirka waxaa gebi ahaanba ka maqnaa mucaaradkii ugu cadcadaa siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo dhammaan madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray, iyo sidoo kale badi ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo ku-xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan madasha berri, kuwaas oo lagu faahfaahinayo siyaasadaha iyo mudnaanta dowladda ee la xiriira amniga, midnimada dalka, iyo dib-u-eegista dastuurka.

Sidoo kale, mas’uuliyiin kale ayaa soo bandhigi doona warbixinno la xiriira xaaladda amniga, diyaar-garowga doorashooyinka, iyo hannaanka dib-u-heshiisiinta.

Waxaa la filayaa in 19-ka Juun la soo bandhigo war-murtiyeed rasmi ah oo ka tarjumaya natiijooyinka laga gaaray shirkan, iyadoo sidoo kale la qaban doono casho sharaf rasmi ah oo loo sameynayo ergada ka qaybgaleysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here