Tuesday, June 17, 2025
Array

Buundada Garoowe: Horumar Muuqda iyo Dood Maamul oo Qarsoon.

Xarig-jarka buundada casriga ah ee magaalada Garoowe ayaa u muuqatay guul muhiim ah, balse durba waxaa muuqday khilaaf siyaasadeed oo hareeyay cidda dhab ahaan iska leh fulinta mashruucan muhiimka ah.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 14-ka Juun si rasmi ah xarigga uga jaray buundada cusub ee Garoowe, balse munaasabaddaasi waxaa hareeyay muran u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, oo mid kastaa sheeganeysa hogaanka mashruuca.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, waxaa ay qeyb ka ahayd mashruuca NAGAAD – oo ah qeyb ka mid ah wajiga Mashruuca Xoojinta Adkeysiga Magaalooyinka Soomaaliya. Mashruucan waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka, iyadoo lagu fulinayo iskaashi wadajir ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo Maamulka Degmooyinka.

Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah oo lagu daabacay SONNA ku sheegtay in mashruucan ay iyadu dhameystirtay, iyadoo hoggaan ka ahayd dhismaha buundada iyo wada-shaqeynta Bangiga Adduunka.

“Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay buundo casri ah oo laga dhisay Garoowe, taasoo qayb ka ah ajendaha horumarinta qaranka ee ay hoggaaminayaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.” Ayaa lagu yiri bayaanka

Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in buundadu tahay mashruuc ka badbaaday faragelin, isagoo ku tilmaamay guul gaar ah oo ay Puntland leedahay. Sidoo kale waxa uu sheegay sababta keentay in mashruucaan uu sax u fulo ay tahay in Puntland ay iyadu maamushay mashruuca. Isaga oo sheegay in aysan aqbali doonin mashaariicda uu sheegay in Muqdisho iyo Nairobi qeybo ka mid ah lagu soo reebtay.

“Kuwa raba mashaariic la musuqmaasuqay oo qeybna xamar iyo Nairobi lagu reebtay qeybna ay iyaga sii reybtaan, hadowna magac xumada ay dalka raaceyso waligey aqbali meyni” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni

Mashruuca NAGAAD wuxuu leeyahay hannaan ku saleysan maamul wadajir ah. Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka ayaa ah hoggaamiyaha, qorsheeyaha, iyo isku-dubaridaha mashruuca; Puntland ama dowlad-goboleedyaduna waxay leeyihiin doorka hirgelinta iyo kormeerka mashruuca, halka Bangiga Adduunkuna uu yahay maalgeliyaha mashruuca.

Puntland waxay doonaysaa in ay muujiso awooddeeda fulineed iyadoo aan faragelin looga yeelan, taasoo qeyb ka ah loolanka awood qeybsiga ee u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here