Wednesday, June 18, 2025

Markale Kulankii Golaha Shacabka oo Baaqday

Soohoyde

Muqdisho — Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo Arbaco ah loo madalsanaa ayaa baaqday kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii sharcigu qoondeeyay ee lagama maarmaanka u ah in fadhigu furmo. Kulan-kan ayaa ka mid ahaa kulamada rasmiga ah ee todobaadkan loogu talagalay Golaha Shacabka.

Waxaa maanta soo xaadirtay 98 xildhibaan,halka tirada loo baahnaa ay ahayd ugu yaraan 139 xubnood, taasoo keentay in kulanka uu baaqdo markii labaad todobaadkan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in kulankii uu baaqday sababo la xiriira kooram la’aan.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa dhaarinta xildhibaano cusubiyocodeynta Axdiga Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta, hase yeeshee midna suurtagal ma noqonin kadib markii xildhibaanadu aysan buuxin kooramka.

Qaar kamid ah xubnihii maanta soo xaadiray ayaa barxadda Golaha Shacabka warbaahinta uga sheegay in ay nasiib darro tahay in kulamada Golaha ay todobaadkan qabsoomi waayeen kooram la’aan darted.

“Waxaa nasiib darro ah in 276 xubnood oo Golaha Shacabka ka tirsan laga waayo 139 xubnood, weyna joogan magaalada,” ayay tiri  Xildhibaan Caasha Koos.

Guud ahaan kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka waxaa ka harsan kaliyahal todobaad, sida horay u sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, waxaana horyaalla xildhibaanada Baarlamaanka waajibaad ay tahay in ay gutaan kahor xiritaanka kalfadhigan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here