Friday, August 15, 2025
Array

Xarun Cusub oo Calafka Xoolaha ah oo Laga Furtay Wajaale.

Talaabo muhiim ah oo lagu taageerayo bulshooyinka xoolo-dhaqatada ee Somaliland, Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ayaa si rasmi ah u daah furay xarun cusub oo calafka xoolaha ah oo ku taala Hay’adda macluumaadka iyo dhismaha adkeysiga Soomaaliya oo taageero haleysa Safaaradda swizerland ee Kenya, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta nidaamyada calafka xoolaha iyo kaalmaynta xoojinta adkeysiga bulshooyinka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ee gobolka.

Xarunta cusub ee calafka xoolaha ayaa noqon doonta il muhiim ah oo loogu adeegayo bulshada deegaanka, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta nidaamyada calafka iyo taageerada hababka waara ee beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada. Mashruucan ayaa lagu wadaa in uu kordhiyo helitaanka cunto iyo kor u qaadista nolol-maalmeedka qoysaska xoolo-dhaqatada.

Wasiirka Cumer Shucayb ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo bogaadiyay iskaashiga ay la leeyihiin la-hawlgalayaasha caalamiga ah sida Safaaradda swizerland ee Kenya, wuxuuna caddeeyay sida xaruntan cusub ay gacan uga geysan doonto horumarinta guud ee gobolka, gaar ahaan xilliyada xaaladaha adag ee deegaanka ama dhaqaalaha.

Mashruucan wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraya sidii loo xoojin lahaa awoodda Somaliland ee dhismaha nidaamyada beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, taasoo ka caawin doonta bulshada sidii ay u awoodi lahaayeen inay la qabsadaan isbedelada deegaanka iyo caqabadaha dhaqaale ee mustaqbalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here