Friday, June 20, 2025
Array

Deni oo lagu Eedeeyay in uu Hor Taagan Yahay Horumarka Puntland.

Gudoomiuaha xisbiga Barwaaqo ee Puntland, Maxamed Muuse Cali ayaa si adag ugu eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni, inuu ka hor yimid mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo loogu talagalay bulshada Puntland. Eedaymahan ayaa ku saleysan sheegashooyin ku saabsan lunsiga lacag dhan $10 milyan oo loogu talagalay dadka Puntland, lacagtaas oo lagu shubtay account khaas ah iyadoo aan wax adeeg ah loogu qabin bulshada.

Maxamed Muuse Cali ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo la xiriira in Madaxweyne Deni uu xayiray in ka badan 6 milyan oo doolar, taas oo kaalin weyn ka qaadan lahayd xallinta xaaladda dhaqaale ee ka jira Puntland iyo yareynta shaqo la’aanta.

“waxyaabaha Cajiibka ah aan aragnay waxaa ka mid ah in madaxweyne Dani uu hakiyay 6.2 milyan oo doolar oo mashaariic horumarineed ah. Sidoo kale lacag dhan 10 milyan oo doolar oo miisaaniyadda ah in acount shaqi ah lagu shubay bilaa sharuud” ayuu yiri Maxamed Muuse Cali

Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa horey u sheegay in Madaxweyne Deni uu hakiyay Badi mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay Puntland.

“24 mashruuc oo dowladd goboleedyada ka socdo, puntland kaliya waxaa ka socdo oo ay aqbaleen in ay fuliyaan 7 klaiya waliba qeyb ka mid ah mar dhaw ayay ogolaadeen in la fuliyo, aniga ma garan sababta marka ay maamulka Puntland sidaas u sameynaayaan” Cabdiqafaar Xaange

Madaxweyne Dani ayaa asna horay u sheegay in aysan aqbali doonin mashaariicda uu sheegay in Muqdisho iyo Nairobi qeybo ka mid ah lagu soo reebtay.

“Kuwa raba mashaariic la musuqmaasuqay oo qeybna xamar iyo Nairobi lagu reebtay qeybna ay iyaga sii reybtaan, hadowna magac xumada ay dalka raaceyso waligey aqbali meyni” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Puntland iyo dowladda Federaalka ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo dowladda dhexe ay Puntland ku eedeysay in ay hor taagan tahay mashaariic horumarineed oo wax ka tari lahaa xaaladaha bulshada deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here