Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka si rasmi ah looga saaray liiska Qaramada Midoobay ee dalalka carruurta u isticmaala ciidanka. Wasaaradda ayaa sheegtay in tani ay ku timid dadaallada muhiimka ah ee dowladda ka sameysay ka hortagga askareynta carruurta, gaar ahaan gudaha ciidamada Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay ugu dabaaldegayso guushan oo lagu faafiyay ayaa lagu sheegay in warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ee 17–18kii Juun lagu xaqiijiyay in Soomaaliya ay gaartay horumar ballaaran oo ku aaddan ka saarista carruurta ciidanka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale tilmaantay in iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah sida UNICEF iyo Nidaamka Kormeerka iyo Warbixinta Qaramada Midoobay (UNMTRS) ay taageereen hirgelinta isbeddellada iyo xalinta arrintaas.
Soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee militariga ahayd mid ka mid ah dalalka uu ka dhaco askareynta carruurta ama carruurta loo adeegsado dagaalka. Sanadkii 2023 kaliya, Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in 8,655 carruur ah loo adeegsaday dagaallada, iyadoo tirada ugu sareysa ay ka dhacday dalalka Jamhuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Myanmar, Suuriya, Maali, iyo Nigeria oo ay ka socdaan dagaalo.