Monday, June 23, 2025

Sababta dhabta ah ee taageerada reer galbeed ee Israa’iil

Waxaa qoray Qoraa Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd).

Israa’iil waa dawlad la aqoonsan yahay ilaa 1948, xubinna ka ah Qaramada Midoobay, sidaas oo ay tahay ma aha dawlad caadi ah. Waa dawlad yar oo kibir badan oo aan marnaba u hoggaansamin go’aannada ka soo baxa Qaramada Midoobay ee iyada khuseeya. Go’aannada muhiimka ah ee Golaha Amniga QM soo saaray waxaa ka mid ahaa labada tirsigoodu yahay UN resolutions nr 242 iyo 338 oo amraya in Israa’iil ka baxdo dhulkii ay falastiinta ka qabsatay 1967. Waxaa kale oo jiray go’aan ka soo baxay Golaha Guud QM tirsigiisuna ahaa 194 oo amraya in qaxootiga falastiintu xaq u lee yihiin in ay dhulkoodii ku noqdaan. Waxaa kale oo soo baxay go’aan ah in ay jirayso dawlad Falastiin oo leh soohdimo dhawrsan sida dawlad Israa’iil u jirto. Marar badan buu Golaha Amnigu si adag u eedeeyay Israa’iil kuna amray in ay ka baxdo dhulka ay qabsatay, joojisana degaamaynta cusub. Laakiin marnaba Israa’iil u ma ay hoggaansamin go’aannadaas oo ah sharci caalami ah. Sidoo kale marnaba dunidu ma awoodin in ay go’aannadaa fuliso, amaba xitaa Israa’iil la cunaqabateeyo, sida badanaa dawladaha kale la gu sameeyo. Sababtuna waa reer galbeedka, siiba Maraykanka, oo aan marnaba oggolayn in Israa’iil si qallafsan loo la dhaqmo. Marka dawladdaa yar arrinkeedu wax uu noqday “La ma canaante ayaa caanihii daadiyay”. Xaqiiqdii in dal keli ahi sidaa u ga sarreeyo sharciga dunidu wax ay fadeexad iyo wajigabax weyn ku tahay ilbaxnimada, caddaaladda iyo nadaamka dunida.

Maxay tahay haddaba sirta ku jirta in Israa’iil la canaanan waayo? Maxay tahay sababta dhabta ah ee reer galbeed gaar ahaan Maraykan godobta intaa la’eg gelinaysa? Wayddiintaa kolkii cimrigeedu dheeraaday joogtana ay noqotay waxaa ka dhashay jawaabo aan tiro iyo xaddi lahayn oo wada hadaltiro ah, jawaabta runta ahina hadaltiradaa badan bay ku dhex jirtaa, ku dhex luntay, ama ka dhex muuqataa.

Waxaa la yidhaahdaa reer galbeedku Israa’iil wax ay u taageeraan in ay dembidhaaf iyo damiir qabowsi u ga dhigtaan gumaadkii iyo hooggii taariikhiga ahaa ee ay dadka yahuudda qarniyada badan Yurub u gu geysteen, imikana wax ay arkaan oo ka difaacayaan badweyn carab iyo muslin ah oo jiritaanka dadka yahuudda halis ku ah. Taa wax baa ka jira laakiin run ma wada aha, waayo reer galbeed haddii damiirkoodu damqanayo gumaadka, addoonsiga iyo bililiqada ay dadka dunida u geysteen, ilaa maantana ku wadaan, wax la soo koobi karo ma aha. Dhanka kalena dembiga ay yahuudda ka galeen ma wax ay magdhaw u ga dhigayaan dembi kale oo ay galaan oo dadka falastiin ee masaakiinta ah dhulkooda u ga qaadaan?

Waxaa kale oo la yidhaahdaa reer galbeedka qaybtooda xooggan una badan Masiixiga Borotestaanka ah (Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Holland, Iskaandinaafiyanka, Ustaraaliya, Kanada…) caqiidadooda diineed waxaa ku jirta in ilaahooda Masiix soo noqonayo marka dawlad yahuudeed Falastiin ka hirgasho. Taana wax baa ka jira oo dad badan baa sidaa rumaysan, hadal caynkaas ah baana ku qoran Kitaabka Qudduuska, laakiin xaqiiqo ahaan reer galbeedka siyaasaddooda calmaaniga iyo hantigoosiga ah diintu ma jihayso, haba yaraatee, waxaa se wada danaha maaddiga ah. Haddii ay diin dan ka lee yihiin wax ay caawin lahaayeen ama dulmiga ka dayn lahaayeen dadayowga masiixiga ah ee gaajada u wada bakhtiyaya.

Waxaa kale oo la yidhaahdaa reer galbeed Israa’iil wax ay u gu dhintaan in ay yihiin dadka keliya ee iyaga la wadaaga qiyam iyo ilbaxnimo: taariikh, dhaqan, dimuqraadiyad, xorriyadda iyo xuquuqda haweenka, tusaale ahaan. Markaa ilaalinta Israa’iil waa ahaanshahooda oo ay ilaashanayaan. Taana wax baa ka jira oo xitaa falsafadda, cilmiga iyo halabuurka Yurub dadka yahuudda ayaa wax aad u weyn ku leh, laakiin jawaabtaasi run ma wada aha. Israa’iil qiyamkeeda dimuqraadiyadeed, xorriyadeed iyo xuquuqeed ma aha ta reer galbeedka oo kale ee waa mid ku dhisan cunsuriyad iyo yahuudinnimo, oo takoorta carabta muslinka iyo masiixiga ah ee dhulkaa ku la nool. Tusaale ahaan dastuurkoodu wax uu dhigayaa Israa’iil in ay tahay dawlad yahuudeed (diin), taasina wax ay luminaysaa xaqa muwaaddiniinta kale oo dhan.

Waxaa kale oo la yidhaahdaa taageerada reer galbeedka waxaa sabab u ah awood iyo saamayn badan oo dadka yahuuddu ku lee yihiin doorashooyinka madaxda, go’aannada dawladahaas iyo fikirka shucuubta. Taana wax weyn baa ka jira, oo tusaale ahaan shirkadaha u gu hodansan Maraykanka iyo kuwa u gu afdheer warbaahinta waxaa leh dad yahuud ah, sidoo kale xukuumadda Joe Biden maanta wax ay ka hayaan xilalka u gu muhiimsan. Laakiin tanina run ma wada aha, waayo dabci ahaan dadka caddaanku waa cunsuri is la weyn oo dadyowga kale quudhsada, mana jirto sabab ay yahuudda ka isirka duwan ee weligood loollanka caqiido ka dhexeeyay ay u gu hamradaan ama isu gu dhiibaan.

Arrimahaa kore oo dhan iyada oo wax ka jiraan xaqiiqada biyo ka ma dhibcaanka ah ee taageerada reer galbeed ee Israa’iil waa tu maslaxadeed. Reer galbeedku waa imbiriyaali gumaysi ah oo qarniyo dhan dunida gacanta ku hayay, doonayana in uu ku sii hayo, kaas oo dadyowga daciifiyay, dhaqaalaha dunida xukumay, khayraadka boobay, madaxana ka garaaca ilbaxnimo iyo awood kasta oo soo bixi karta. Waayaha ayaa qasbay qarnigii tagay in gumaysigii Yurub ciidan ahaan ka soo guuro dunidii uu gumaysan jiray, laakiin marnaba siyaasad ahaan, istiraatijiyad ahaan iyo dhaqaale ahaan ka ma uu soo guurin ee ugxan buu dhigtay. Haddaba Israa’iil wax kale ma aha ee waa ugxan kale iyo gacantii isticmaarka oo dhex taalla gobol aad iyo aad muhiim u ah: baadroolka iyo gaasta, marinnada badaha caalamka, horjoogsiga quwadaha kale ee dhulkaa soo geli kara iyo ilbaxnimada islaamka/carabta oo ay tahay in aanay marnaba madaxa kor u soo qaadin. Sidaa darteed Israa’iil waa eygii gobolkaa u ilaalinayay reer galbeedka. Bal wax kaleba is ka daa oo qiyaas hubka reer galbeedku dawladaha gobolkaa ka iibiyo in ay Israa’iil halkaa ka jirto darteed.

Isu gu adeegidda dhisiddii dawladda Israa’iil iyo danta reer galbeed wax ay la soo bilaabatay fikirkii sahyuuniyada ee hawsha soo dhiraandhiriyay. Waxaa la sheegay raggii aragtida Israa’iil amaamuday oo uu hormuud u ahaa Theodor Herzl in ay dawladaha waaweyn ee Yurub iyo Maraykanka ka la hadleen in yahuudda oo Falastiin dawlad loo ga sameeyaa tahay danta reer galbeedka ee gobolkaas. Ninkan oo ahaa yahuudi u dhashay labadii dal ee midnimadooda la is ku odhan jiray Hangari-Usteriya, sida uu xusuusqorkiisa ku sheegay wax uu dabayaaqadii qarnigii 19-aad u tagay Qaysarkii Jarmalka kana codsaday in uu ka la hadlo Suldaan Cabdixamiidkii Labaad ee Cismaaniyada, in uu yahuudda Falastiin ka siiyo dhul ay degaan, kuna cadaadiyo in yahuudda Yurub ku filiqsan dhulkaa loo raro. Qaysarkuna wax uu ku yidhi, oo maxaa haddii aannu Jarmal nahay dawladda Cismaaniyada ee aannu saaxiibka nahay u gu cadaadinayaa wax idinka dantiinna ah? Herzl wax uu ku jawaabay hadal uu Yurub oo dhan ku yidhi: “Haddii aad Falastiin na siisaan wax aannu idiin noqonaynnaa meel aad ka xukuntaan Aasiya iyo jiid hore oo aad ilbaxnimada Yurub ka difaacdaan cawaanta, annaguna haddii aannu dawlad jirta noqonno waxaa na saaran in aannu xidhiidh toos ah la yeelanno Yurub oo dhan…”

Herzl wax uu u socdaalay Istanbuul, markii uu laaluush badan bixiyayna wax uu la kulmay Suldaankii. Gorgortanka uu la socday wax uu ahaa: “Falastiin waa gurigayaga taariikheed ee la ma illaawaanka ah. Magaca oo keliya ayaana ah awood iyo baaq xoog leh oo dadkayaga soo ururinaya. Haddii Suldaanku na siiyo Falastiin, wax aannu u gu beddelaynnaa in aannu dhaqaalaha liita ee Turkiga maalgelinno oo dhisno.” Laakiin Suldaanku sinaba u ma aqbalin qorshahaa.

Markaa asalkaba dhisidda dawlad Israa’iil waxaa ku lammaanaa ballanqaad ah in ay dawladdaasi matali doonto gumaysiga reer galbeed ee Bariga Dhexe. Arrimaha kale ee aynnu xusnay ama la sheego oo dhamina iyaga oo jira waa tafiir ee ma aha asal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here