Saturday, June 28, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo Safar Rasmi ah ugu Ambabaxay Qatar

Hargeysa (Dawan ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta safar rasmi ah oo ku tagaya dalka Qatar, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Qatar.

Safarkan, oo ah midkii labaad ee uu madaxweynaha Somaliland ku tago dalalka Khaliijka, ayaa wuxuu yimid kaddib safar uu hore ugu tagay Imaaraadka Carabta (UAE), oo ah waddan saameyn weyn ku leh Somaliland iyo siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff-ka).

Safarka maanta ee Qatar wuxuu noqonayaa safarkii ugu horreeyay ee rasmiga ah ee madaxweyne Somaliland ah ku tago dalka Qatar, isagoo kulamo la yeelan doona madaxda ugu sareysa ee Qatar.

Siada madtooyada Somaliland ay sheegtay Muddada ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku sugan yihiin magaalada Dooxa, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, iyaga oo ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dhinac; gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Safarka Cirro ee Qatar wuxuu sidoo kale yimaaday xilli xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu u muuqdo inuu xoogeysanayo. Dadka qaarkood ayaa u arka in safarkan uu wax weyn ka bedeli karo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here