Garissa, Kenya (Dawan Africa) – Dab xoogan oo ka kacay Suuq Mugdi, suuqa ugu weyn magaalada Garissa, ayaa baabi’yay inta badan Ganacsiyadi suuqa. wuxuuna waxyeello weyn u geystay nolosha ganacsatada badan oo halkaan ay ku tiirsaneed nolol maalmeedkooda. Tani ma aha markii ugu horreysay ee suuqa uu gubto.
Inkastoo dabku uu sababay khasaare baaxad leh, hadana wararka qaar ee ka soo baxaya Garissa ayaa sheegaya in xaaladda hadda ay ka roon tahay sidii hore ee suuqa u guban jiray sababo la xiriira wadooyin dhawaan loo furay iyo gurmad degdeg ah oo soo gaaray koobta.
Aadan Barre Ducaale oo ah Xoghayaha Golaha Wasiirrada ee Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayaa ku dhawaaqay in labada heer ee dowlad, heer Qaran iyo kuwa degmo, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha deegaanka, ay iska kaashan doonaan sidii loo siin lahaa taageero degdeg ah oo isku xiran ganacsatada ay dhibaatadu saameysay.
” Waxaan ku dhawaaqayaa inaan isku dubaridi doono labada heer ee dowlad, kuwa Qaran iyo kuwa degmo, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha deegaanka, si loo hubiyo taageero degdeg ah oo isku xiran oo loogu fidiyo ganacsatada ay dhibaatadu saameysay,” ayuu yiri wasiir Aadan Ducaale.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Dib u dhiska suuqa iyo soo celinta nolosha dadka ay noqon doona mudnaanta ugu horeysa. “Dib u dhiska suuqa iyo soo celinta nolosha dadka ayaa noqon doona mudnaanteena ugu horeysa.