Thursday, July 3, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Munaasabadda 65-aad ee Xorriyadda Soomaaliya, hoggaamiyayaasha caalamka ayaa si wadajir ah ugu hambalyeynaya shacabka iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo soo bandhigay taageeradooda ku aaddan horumarka, nabadda, iyo dadaallada sii xoogeysanaya ee Soomaaliya.

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u aqoonsaday kaalinta Mareykanka ee taageerada Soomaaliya ee la dagaallanka Alahababa iyo Daacish , isagoo muujiyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu gaarayo horumarada amniga. Waxa uu hadalkan ka jeediyay muuqaal duuban oo uu ugu diray jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka xafladda xuska maalinta Xorriyadda ee dalkaas.

Jigjiga

Xubno ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) ayaa si xoog leh u canbaareysay shirkii lagu soo gaba gabeeyey Jigjiga, kaas oo lagu sheegayo inuu yahay shir weynaha  5a-aad ee Jabhadda ONLF oo lagu doortay guddoomiyaha cusub ee Jabhadda.

Muqdisho

Dirawal ka mid ahaa darawalada gaadiidka dadweynaha oo 26 jir ahaa, laguna magacaabi jiray Xuseen Yuusuf Beereed, ayaa waxaa toogasho ku dilay mid ka mid ah masuuliyiinta degmada Gubadley sida ay sheegeen qoyska Marxuumka.

Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muddo sanado ah ay jiraan dad aan waligood gobolka usoo shaqo tagin ama aan shaqo u qaban, balse ay mushaar ka qaadanayeen, iyadoo dadkaas qaarkood uu agaasimay Maamulka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here