Thursday, July 3, 2025

Soomaaliya oo sheegtay inay disha Hoggaamiye Sare oo AS ah

By Abukar Osman

Shabeellaha Hoose (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, oo ka tirsan ciidamada gaarka ah, ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab, oo ku taal tuulada Yuumbis, oo 7 km u jirta deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga, weerarka ayaa dhacay habeenkii 1-da Luulyo 2025. Howlgalka oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa sababay dhimashada 8 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo magaciisa la yiraahdo Bilaal, loona yaqaan “Jaabir.”

Sida lagu sheegay qoralka wasaaradda, Bilaal wuxuu ahaa madaxii ka mas’uulka ahaa qaraxyada iyo hawlaha xagjirnimada ee kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu horey u hayay xilal la mid ah gobolka Gedo. Bilaal, oo ku biiray Al-Shabaab sanadihii dambe ee 2000, gaar ahaan 2007–2008, wuxuu ka qeyb qaatay falal qaraxyo ah oo ku dhamaaday dhimashada shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sheegtay in dilkiisa uu yahay guul weyn oo ka dhan ah kooxda, gaar ahaan maalin ay Soomaalidu u dabaaldegayso 65-guuradii Xorriyadda dalka, taasoo muujinaysa sida ciidamada Soomaaliya uga go’an tahay inay dalka ka saaraan cadowga ummadda.

Bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu yiri: “Howlgalka waxaa si fiican loo qorsheeyay, waxaana lagu guuleystay in lagu dilo 8 dagaalyahan, oo ay ku jirto Bilaal. Guuldan ayaa ka tarjumaysa dadaalkayaga joogtada ah ee aan ugu jirno ilaalinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasaaradda ayaa 6 ka mid ah 8 ruux ay sheegtay inay dishay soo bandhigtay meedadkooda. Howlgalkan ayaa imanaya iyadoo dowladda ay dhawaanahaanba ka waday koonfurta Soomaaliya howlgallo ka dhan ah kooxda, qaarkoodna ay yihiin duqeymo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here