Monday, July 14, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Puntland

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacaadweyn, taasoo dhererkeedu yahay 40-kiloomitir. Mashruucan, oo ah maalgelin ka timid Puntland, ayaa noqonaya tallaabo weyn oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha gudaha ee gobolka.

Muqdisho

koox cusub oo ka tirsan ciidamada Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya ee Turkiga uu tababaro  ayaa ka qalin-jabiyay Kulliyada Millateriga TurkSom ee Muqdisho.

Munaasabadda qalin jabinta oo ka dhacday xerada TurkSom, ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Maallim Fiqi.

Garoowe

Salaam Bank ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigay toddoba adeegyo bangiyeed cusub oo dijital ah Arbacadii fiidkii ee, taasoo qayb ka ah isbeddelka ballaaran ee uu ku socdo bangiga, iyadoo mawduuc looga dhigay “Ku Xirnow Bangiyada Dijitalka ah.”

Baydhabo\ Dhuusamareeb

Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka.

Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay miiska wadahadalka ee wareegga labaad ee kulammada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyada oo Arrimaha dastuurka laysla meel dhigi weynay.

Istanbul

Markabka cilmi-baarista Oruç Reis ayaa maanta ka gudbay biyaha Bosphorus ee Turkiga, isagoo ku xiran doona dekedda Filyos 4-ta Luulyo. Markabkan, oo ka soo baxay Muqdisho 15-kii Juun, ayaa dhammeystay howlgalkii koowaad ee sahminta shidaalka xeebaha Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa heshiisyada wadajirka ah ee u dhexeeya Turkiya iyo Soomaaliya.

Muqdisho

Shirkadda Qaranka ee Horumarinta Muqdisho (NMDC) ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday furitaanka saami-qeybsiga ee mashruuca cusub ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho, kaddib markii la soo gaba-gabeeyay diyaarinta muhiimka ah ee dhinacyada sharciga, maaliyadda, iyo maamulka.

Muqdisho

Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa xaqiijiyay geerida shan askari oo ka tirsan ciidamada AUSSOM kadib shil helikobtar oo ka dhacay Muqdisho 2-dii Luulyo 2025. Shilka ayaa dhacay markii helikobtar ay wadeen ciidamada Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM) ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Abdulle ee Muqdisho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here