Monday, July 14, 2025

69 Qof oo Ku Geeriyooday, Roobab iyo Daadad ka dhuftay waqooyiga Hindiya

Ugu yaraan 69 qof ayaa ku geeriyootay, 31 kalena waa lagu la’yahay kadib markii roobab xooggan iyo daadad ku dhiftay gobolka Himachal Pradesh ee waqooyiga Hindiya. Xarunta Hawlgallada Degdegga ee gobolka ayaa sheegay in 43 qof ay ku geeriyoodeen sababaha ay ka mid yihiin daadadka, dhulgariirarka, iyo roobabka xad-dhaafka ah, halka 26 qof ay ku dhinteen shilalka waddooyinka intii lagu jiray xilliga roobabka ay socdeen. Waxa kale oo ay soo sheegeen in 110 qof ay ku dhaawacmeen.

Xilliga roobabka monsoonaadka, oo caadi ahaan soconaya laga bilaabo Juun ilaa Sebtembar ee Hindiya iyo Baakistaan, ayaa sababay dhibaatooyin baahsan oo ka dhacay Himachal Pradesh, iyadoo gobolka uu ka jiray roobab culus iyo daadad joogto ah tan iyo bartamihii Juun.

Madaxweynaha Himachal Pradesh, Sukhvinder Singh Sukhu, ayaa xaqiijiyay in dadaallada gargaar ay ka socdaan goobaha ay dhibaatadu ku habsatay, iyadoo mas’uuliyiinta ay wali wadaan baadikoobka dadka maqan iyo bixinta caawimaad dadka ay saameeyeen dhibaatada ka dhacday gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here