Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in adeegyada ay bixiso Wasaaraddu lagu xiray nidaamka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay go’aankii Golaha Wasiirrada ee 7-dii Abriil 2025, kaasoo lagu aasaasay in adeegyada guud oo dhan lagu xiro Kaarka Aqoonsiga ee ay bixiso Hay’adda Diwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).
Qoraal aya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha soo saartay ayeey ku sheegtay in tallaabadaani ay saameyn doonto dhammaan shaqsiyaadka iyo shirkadaha doonaya inay iska diiwaangeliyaan, ama cusbooneysiinta, ama helaan rukhsadaha kala duwan ee ganacsiga oo ay wasaraddu bixiso.
“Dhammaan xubnaha saamileeyda shirkadaha, qofka doonaya in uu diiwaangeliyo shirkad ama summad ganacsi, qofka doonaya diiwaangelin wax-ka-beddal xeer shirkadeed, iyo qofka doonaya in uu helo rukhsad ganacsi waa in uu helo Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wasaaradda ayaa sidoo kale tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka ee la ansixiyay Maarso 2025, iyadoo la rajo weyn yahay in ay gacan ka geysato kor u qaadista dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka, iyadoo la yaraynayo khiyaanooyinka iyo qishka ku dhaca adeegyada aqoonsiga.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa noqotay wasaaradda labaad ee soo saarta amar ku aadan isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee adeegyada ganacsi, iyadoo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ay soo saartay amar noocan ah 26-kii bisha hore.