Tuesday, July 15, 2025

Soomaaliya oo magacaawday guddiga farsamo ee dhamaystirka SSC-Khatumo

Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacaawday guddiga farsamo ee loo xil saaray dhamaystirka maamul-dhiska ee Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo.

Guddiga farsamo ee cusub, oo ka kooban 8 xubnood, ayaa lagu magacaabay wareegto uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ali Yusuf Ali – Xoosh, waxaana si toos ah guddigan loogu hoos gudbin doonaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Xubnaha guddiga ee la magacaabay ayaa kala ah:

  1. Axmednuur Maxamed Cabdi (Guddoomiyaha)
  2. Cabdinasir Xaaji Maxamed (Guddoomiye-ku-xigeen)
  3. Axmed Shire Axmed (Xubin)
  4. Carafaat Cali Maxamed (Xubin)
  5. Axmed Yuusuf Maxamuud (Xubin)
  6. Rufaci Maxamed Salaad (Xubin)
  7. Maxamuud Siciid Nuur (Xubin)
  8. Fadumo Cabdi Cali (Xubin)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in guddigan loo xilsaaray bixinta talooyin istiraatiiji ah iyo fududeynta isku-xirka hay’adaha federaalka iyo kuwa gobolka si loo dardargeliyo dhamaystirka qaab-dhismeedka maamulka SSC-Khatumo. Guddiga ayaa sidoo kale diyaarin doona warbixino joogto ah oo la gaarsiin doono Wasaaradda iyo hay’adaha kale ee ku lug leh dhismaha maamulka.

Guddiga ayaa shaqayn doona ilaa inta la dhammaystirayo maamulka SSC-Khatumo, iyagoo sii wadi doona hawlaha ku aaddan xoojinta qaab-dhismeedka maamulka iyo taageeridda geedi-socodka federaalaynta ee Soomaaliya.

Magacaabistaan waxay timid lix maalmood ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee XFS ay si rasmi ah u dejisay jadwalka dhammaystirka maamul-dhiska SSC-Khatumo, kaas oo tilmaamayey in geeddi-socodka dhismaha dowlad-goboleedka la dhammaystiri doono bisha July 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here