Jigjiga (Dawan ) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u bilaawday dhismaha Buundada Qubbi ee Togga Erer, oo ah mashruuc kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah laguna horumarinayo isku xirnaanta gobolka.
Dowlad Deegaanka ayaa sheegtay inay u qorsheysay in mashruuca uu ku kacayo 5.4 million USD (300 milyan oo shilin Itoobiyaan ah), waxaana la filayaa in lagu dhammeystiro 18 bilood gudahood.
Mashruuca ayaa si rasmi ah uu u bilaabay July 5 2025 Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim , oo ay wehliyeen masuuliyiinta Xafiiska Horumarinta Waraabka, Wasaaradda Curinta iyo Tignoolajiyada, iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Erer iyo degmada Qubbi.
Wasiirka Horumarinta Waraabka ee DDS, Maxamed Faatax Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda ay ka jawaabeyso cabashada dadka Qubbi, isagoo xusay in deegaanka uu ku jiray go’doomin, ayna buundada cusub ay ka caawin doontaa in la xoojiyo isku socodka iyo isdhexgalka bulshada deegaanka.
Kadib markii mashruuca la bilaabay, wafdiga ayaa booqday degmada Qubbi halkaas oo ay kulan la yeesheen bulshada deegaanka. Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha ayaa bulshada u sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ay dhamaystirto buundada Togga Erer.
Mashruucan buundada ayaa lagu wadaa inuu horumariyo isku socodka iyo ganacsiga gobolka, isagoo siin doona isku xirnaan muhiim ah dadka Qubbi iyo deegaanada ku hareeraysan oo awal caqabada badan ay ka jirtay.