Qaahira
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, oo noqoneysa booqashadii labaad ee sanadkaan.
Balcad
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Balcad ee maanta ayaa keentay muran siyaasadeed u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hirshabelle, iyo nooca doorashada ee Hirshabelle ay aadayso.
Oregon
Orodyahannada Kenya ee labada jeer ku guuleysatay Olombikada ee la dhoho Beatrice Chebet, ayaa taariikh sameysay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee 5000 mitir ku oroda in ka yar 14 daqiiqo.
Addis Ababa
Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa si rasmi ah u furtay xafiiskeeda cusub ee Addis Ababa, Itoobiya, 4-ta Luulyo 2025.
Juba
Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay masaafurinta sideed nin oo lagu wareejiyay Koonfurta Suudaan, kaddib dagaal sharci oo dheer oo ka dhashay arrintaas, kaas oo ku dhammaaday go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo oggolaaday in masaafurinta la fuliyo.
Jigjiga
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u bilaawday dhismaha Buundada Qubbi ee Togga Erer, oo ah mashruuc kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah laguna horumarinayo isku xirnaanta gobolka.
Dowlad Deegaanka ayaa sheegtay inay u qorsheysay in mashruuca uu ku kacayo 5.4 million USD (300 milyan oo shilin Itoobiyaan ah), waxaana la filayaa in lagu dhammeystiro 18 bilood gudahood.