Wednesday, July 16, 2025

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Maraykanka ka dib fatahaadaha Texas

Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay shacabka iyo dowladda Maraykanka ka dib fatahaadaha daadadka degdega ah ee ka dhacay bartamaha Texas, taasoo sababtay khasaare nafeed iyo burbur ballaaran.

Qoraal tacsi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, 6-da Luulyo 2025, ayaa dowladda Soomaaliya muujisay tacsiyadeeda gaar ah ee ay u dirayso Maraykanka, gaar ahaan qoysaska ku waxyeeloobay masiibada ka dhacday  gobolka Kerr ee Texas.

Qoraalka ayaa sidoo kale muujinaya midnimo buuxda oo ka timaada Soomaaliya oo ay la garab taagan tahay Maraykanka waqtigan adag, waxaana lagu yiri: ” Fikirkeena wuxuu la jiraa qoysaska dhintay, gaar ahaan kuwa ay saamaysay masiibadii ka dhacday Gobolka Kerr, iyo dhammaan bulshooyinka u adkaysta saamaynta masiibadan dabiiciga ah.”

Roobabka daadadka leh ee ka dhacay gobolka Texas ee Maraykanka ayaa sababay waxyeello weyn, iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 82, oo ay ku jiraan 28 carruur ah. Gobolka Kerr ayaa noqday meesha ugu badan ee ay ku dhinteen dadka, iyadoo halkaas laga diiwaangeliyey 68 geeri, kadibna Travis, Burnet, Kendall, iyo Williamson ayaa soo raacay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya waxay muujisay taageerada iyo midnimada ay la leedahay Maraykanka, iyada oo ku biiraysa codadka caalamiga ah ee ku muujinaya naxariis iyo xoog inta lagu jiro xilligan murugada leh.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here