Sunday, July 20, 2025
Array

Booliska Kenya oo xaqiijiyey in 11 Qof  ay ku geeriyootay mudaharaadyadii  Sabasaba

Nayroobi (Dawan)- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, halka 52 askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen mudaharaadyadii ballaarnaa ee dalka kenya ka dhacay maaanta ee Sabasab,  Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Booliska Qaranka ee Kenya (NPS),.

Booliska ayaa sheegay in inta badan shacabka ay si nabad ah uga qaybgaleen mudaharaadyada, balse dad gaar ah ay bilaabeen falal rabshado wata oo ay ku jiraan burburin, dhac, iyo weerarro lagu qaaday booliska.

 Boolisku wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in la xiray 567 qof, oo ay ku jirto Xildhibaan Gitonga Mukunji oo ka tirsan Baarlamaanka Manyatta.

Mudaharaadyada oo ahaa xuska “Sabasaba” ayaa sababay rabshado iyo khasaare weyn sida uu sheegya booliska, tirada hordhaca ah ee khasaaraha laga soo sheegay ayaa ah sidan:

  • Tirada dhimashada: 11
  • Askarta booliska ee dhaawacantay: 52
  • Shacabka dhaawacmay: 11
  • Gawaarida booliska ee la burburiyay: 12
  • Gawaarida dowladda ee waxyeellada soo gaartay:
  • Gawaarida dadweynaha ee la burburiyay: 4
  • Dadka la xiray guud ahaan: 567

Boolisku wuxuu sheegay in dhammaan dhacdooyinkaas la baarayo, lana horgeyn doono ciddii dambiga lagu helo maxkamad.
“Dhacdada kasta oo la soo sheegay si buuxda oo sharci ah ayaa  loo baari doonaa,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Mudaharaadyada “Sabasaba” wuxuu xusuus gaar ah u leeyahay Kenya, isagoo xusuusinaya mudaharaadyadii taariikhiga ahaa ee dhacay Luulyo 7, 1990, kuwaasoo horseeday hirgelinta nidaamka axsaabta badan. Mudaharaadyada sanadkan ayaa loo arkayay inay yihiin kuwo lamid ah kuwaas, balse si xowli ah ayey rabshadaha ugu xooganaayeen magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Kisumu, Mombasa, iyo Eldoret.

Booliska waxa uu amaanay ciidamadiisa oo uu sheegay in uu muujiyay “dulqaad iyo xirfad shaqo” xilli ay la kulmayeen rabshado culus. Boolisku wuxuu ku dhiirrigeliyay shacabka inay la wadaagaan macluumaad kasta oo ku saabsan dadka weli ku lug leh falal dambiyeedyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here