Sunday, July 20, 2025

IGAD: Waxaaa noo cad in ciribtirka AS aysan ahayn mudnaanteena koowaad!

Muqdisho (Dawan )Maxamed Cabdi Waare, Ku Xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Al-Shabaab aysan hadda ahayn mudnaanta koowaad ee dalka, taasoo ka dhalatay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha.

Waare, oo qoraal ku soo qoray 7 July 2025 bartiisa X (Twitter), ayaa iftiimiyay sidii Al-Shabaab ay u qabsatay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, taasoo muddo dheer ahayd saldhig muhiim ah oo ay Ma’awisleyda, oo ah koox beeleed dagaal kula jirta Al-Shabaab. Isagoo ka hadlayay xaaladda, Ware wuxuu ku andacooday in qabsashada Moqokori ay muujinayso caqabado culus oo ka jira Soomaaliya, kuwaas oo hortaagan dadaallada lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa noo cad nafteena, saaxiibadeena, iyo Shabaab lafteeda, in ciribtirka kooxdan argagixisada aysan ahayn mudnaantayada koowaad!” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay ka soo gudubtay dhulalka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay xoogga u saaraan Moqokori, iyadoo aan jirin wax iska caabin ciidan oo laga helay ciidamada dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale xusay in kooxda Ma’awisleyda, oo qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ay awoodi waayeen inay ka hortagaan qabsashada magaalada Moqokori.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay awood u leedahay inay ka adkaato Al-Shabaab, laakiin kaliya haddii siyaasiyiinta iyo hogaanka dalka ay ka guuraan khilaafaadka iyo kala qaybsanaanta.

“Wali waxaan aaminsanahay in aan guuleysan karno Al-Shabaab, haddii aan joojino carqaladaha siyaasadeed, abuurista arrimo yar-yar iyo dhibaatooyin aan muhiim ahayn, isla markaana aan helno ujeedo wadajir ah,” ayuu yiri Waare. “Haddii aan wax ka yara beddelno, iska daba wareegga Somaliyeed ee la yiraahdo ‘Ila Meereeyso.’”

Inkastoo Waare uu muujiyay walwalka ku saabsan xaaladda, haddana wuxuu adkeeyay in Soomaaliya ay weli leedahay awood iyo fursad ay ku wiiqdo Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here