Sunday, July 20, 2025

Badda Cas iyo Webiga Niil: Halista Dagaalka Dekadaha ee Geeska Afrika

Waxaa si xawli ah isu beddelaya xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo ay isa soo tarayaan is-marinwaa siyaasadeed iyo xiisado danaha istaraatijiyadeed ah oo isku beddeli kara dagaal qabow oo goboleed. Waxa aan maanta ka hadlayno ma aha oo keliya biyaha Webiga Niil ama marin-biyoodka Badda Cas, balse waa dagaal qoto dheer oo ku saleysan cidda gacanta ku dhigaysa khayraadka iyo marinada muhiimka ah ee gobolka — taas oo ah arin halis ku ah xasilloonida guud ee Gobolka.

Masar iyo Itoobiya: Labo dan oo isdiidan

Qodobka ugu weyn ee xuddunta u ah loollanka ayaa ah khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya. Masar waxay si xasaasi ah uga walwalsan tahay in la wiiqo biyaha Webiga Niil oo ah isha nolosha iyo dhaqaalaha dalkaas. Dhanka kale, Itoobiya waxay u aragtaa in horumarkeeda iyo madax-bannaanideeda dhaqaale aysan suuragal noqon karin ilaa ay hesho deked ay si toos ah u maamusho — taas oo si toos ah u keentay damaceeda ku aaddan Badda Cas.

Iyadoo ay labada dal danahooda si buuxda isugu dheellitiran yihiin, Masar waxay adeegsaneysaa diblomaasiyad xooggan iyo xiriirro gobolka ah si ay uga hortagto in Itoobiya hesho marin-badeed. Itoobiya dhankeeda, waxay xoogga saaraysaa dhamaystirka Biyo-xireenka Guba (سد النهضة) — mashruuc ay u aragto mid xoojinaya maamulka biyaha Niil, kana dhigaya mid aan la is-dhaafin karin.

Isbahaysiyada cusub iyo saamaynta Khaliijka

Waxaa muuqda in labada dal ay sameesanayaan saaxiibbo istaraatiji ah. Masar waxay xoojinaysaa xiriirka ay la leedahay Qatar, oo si aan hore loo arag uga dhex muuqata siyaasadaha Geeska Afrika iyadoo dhawaan martigelin u sameysay madaxweynaha Somaliland, waxayna la timid fariin badan oo siyaasadeed, mid goboleed iyo mid caalami ahba.

Itoobiya dhankeeda, waxay ku tiirsan tahay Imaaraadka Carabta, kaas oo taageero dhaqaale iyo mid istaraatiji ahba siinaya — gaar ahaan mashaariicda la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha iyo dekedaha muhiimka ah ee ay Itoobiya u hanqal taagayso.

Xiisado hor leh iyo jawaabo siyaasadeed

Ku dhawaaqistii Itoobiya ee ahayd in biyo-xireenka Guba la dhammeystiray waxay si cad u dhalisay caradii Masar. Masar waxay si degdeg ah uga falcelisay, iyadoo su’aal gelisay damaca iyo niyadda Itoobiya. Intaa waxaa sii dheer, waxaa dhacday booqasho rasmi ah oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Masar — taas oo muujisay in danaha Masar ay isu dhiibayaan dalal kale oo gobolka ah si ay u wajahaaan damaca Itoobiya.

Waxaa sidoo kale jira calaamado kale oo muujinaya khilaafyada sii qulqulaya. Eedeymo hore ayaa dib u soo baxay, kuwaas oo ku saabsan in Eritrea dib ugu lug yeelatay dagaalkii Tigray. Dhinaca kale, Jabuuti waxay si aan caadi ahayn u dhaliishay Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay in uu khatar gelinayo midnimada Afrika — gaar ahaan marka la eego taageerada uu siiyo Somaliland.

Haddii xal loo waayo, halis baa imaan karta

Waa muuqataa in arrimaha biyaha iyo dekedaha aysan hadda ahayn wax gaar u ah waddan kaliya oo ee ay noqdeen aalado la isku mari karo ama lagu kala adkaan karo. Marka danaha siyaasadeed ee waddamada gobolka lagu daro saameynta Khaliijka Carabta, waxaa sii adkaanaya in xal laga gaaro xiisadaha isa soo taraya. Haddii aysan jirin dadaallo dhab ah oo lagu dhexdhexaadinayo, laguna furo wadahadal furan oo daacad ah, waxaa suurtagal ah in Badda Cas iyo Webiga Niil ay noqdaan goobo dagaal oo aan la xakameyn karin, taasoo saameyn ku yeelan doonta dhammaan gobolka Geeska Afrika iyo xataa bariga dhexe

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here