Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u ansixiyay qorshaha shaqo ee sanadka saddexaad ee Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF III), kadib kulan heer sare ah oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xassan Macallin Maxamuud, iyo Safiirka cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya Charlie King. Kulankan ayaa sidoo kale ahaa kii ugu horreeyay ee uu Safiirku si rasmi ah uga qayb qaato isagoo guddoomiye ah tan iyo markii uu xilka la wareegay.
Intii uu socday kulanka, dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay waxay si mid ah u ansixiyeen qorshaha shaqo ee sanadka 2025.
Sida lagu xusay bogga rasmiga ah ee Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya, qorshahan cusub wuxuu diiradda saaraya:
- Xoojinta maamul-wanaagga heer degmo iyo heer dowlad-goboleed
- Taageeridda wada-hadalka siyaasadeed ee bulshada iyo maamulka deegaanka
- Horumarinta dib-u-heshiisiinta iyo nabad-dhisidda meelaha colaadu saameysay
- Kobcinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah
“Safiirka iyo Wasiirrada waxay si wadajir ah u ansixiyeen qorshaha sanadka 3-aad si loo horumariyo xasilloonida iyadoo loo marayo wada-hadal, maamul-hoose iyo dib-u-heshiisiin,” ayaa lagu yiri farriin lagu daabacay bogga Safaaradda UK ee Muqdisho.
Maamulka Sanduuqa iyo Guddiga Kormeerka
Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF) wajigiisa saddexaad waxaa maalgelinaya dalal kala ah: UK, Denmark, Netherlands, Germany, iyo Midowga Yurub (EU). Waxa uu leeyahay Guddiga Kormeer oo ka kooban todoba xubnood, kuwaas oo hagaya jihada istaraatiijiyadeed, la wadaagida xogta muhiimka ah, iyo dabagalka waxqabadka sanduuqa.
Maareynta Sanduuqa waxaa gacanta ku haya isbahaysi uu hormuud ka yahay Adam Smith International, iyadoo lala shaqeynayo hay’adaha kala ah: Laasfort Consulting, Interpeace, iyo First Call Partners.
Kooxda fulinta SSF waxay ka howlgalayaan magaalooyinka kala ah: Muqdisho, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar, iyo sidoo kale Nairobi, si ay si qoto dheer u fahmaan xaaladaha deegaanka oo ay ula jaanqaadaan baahiyaha kala duwan ee gobollada. Qorshaha cusub ee la ansixiyay ayaa la guda geli doonaa fulintiisa laga bilaabo hadda, iyadoo looga gol leeyahay in la taageero bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen, lana xoojiyo awoodda maamul ee heer hoose si loo dhiso nabad waarta iyo dowladnimo loo dhan yahay.