Sunday, July 20, 2025

Soomaaliya oo la wareegaysa Shaqada Xuquuqda Aadanaha Bisha Oktoobar 2026

Muqdisho(Dawan ) — Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ku heshiiyay in shaqada la xiriirta xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta dadweynaha ee haatan ay gacanta ku hayso hay’adda UNTMIS (Hawlgalka Kala-guurka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya) si buuxda loogu wareejiyo hay’adaha gudaha dalka marka la gaaro bisha Oktoobar 2026.

Qoraal ka soo baxay xafiiska UNTMIS oo lagu daabacay baraha bulshada ayaa sheegay in heshiiskaan la shaaciyay kadib kulan heer sare ah oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen UNTMIS iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR). Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayay xuquuqda aadanaha, ilaalinta rayidka, iyo siyaasadda masuuliyadda shaqaalaha.

Kulanka waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Danjire Yuusuf Garaad, oo metelayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Mr. Raisedon Zenenga, ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sida ay sheegeen labada dhinac, iskaashiga heerka sare ah ee ay UNTMIS iyo khubarada Soomaaliyeed ka sameeyeen sannadihii la soo dhaafay ayaa fududeyn doona geeddi-socodka kala-guurka.

Qorshahan kala-guurka ah ayaa qayb ka ah istaraatiijiyadda guud ee bixitaanka UNTMIS, ee  la filayo in la soo afjaro 31 Oktoobar 2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here