Monday, July 21, 2025

Jabuuti oo Bilawday Gurmad Qaran oo Degdeg ah

By Abukar Osman

Djibouti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilawday olole gurmad qaran oo degdeg ah si looga jawaabo xaaladda abaaraha daran ee saameeyay gobollada miyiga ah ee dalka, kuwaas oo ay si gaar ah u saameeyeen biyo la’aan baahsan iyo hoos u dhac ku yimid nolosha bulshada reer miyiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa shir guddoomiyay kulankii saddexaad ee dabagalka Qorshaha Qaran ee Ka-hortagga Abaarta Talaadadii, iyadoo wasiirro badan oo muhiim ah, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada iyo xukuumadda ay ka qeyb galeen. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha gurmadka ee ka socda gobollada sida Dikhil, Obock, Tajuura, Cali Sabiix iyo Arta.

Dowladdu waxay sheegtay in ay  qorsheysay in laga qaybiyo gobollada ay abaartu saameysay biyo nadiif ah oo lagu keenayo gaadiid ciidan iyo rayid ah, raashin iyo cunto xoolaad, dayactir iyo qodis ceelal cusub, iyo rakibidda haamaha kaydinta biyaha. Sidoo kale, waxaa la hawlgelinayaa unugyo caafimaad oo guur-guura si ay u taageeraan haweenka nuujinaya iyo caruurta si looga hortago nafaqo-xumada.

Siada aya sheegtay Xogta Wakaalada Wararka Jabuuti In ka badan 500 qoys ayaa helay gargaar degdeg ah tan iyo markii gurmadka la bilaabay 7 July 2025, iyadoo la filayo in howlahaasi ay gaaraan dad badan oo kale maalmaha soo socda. Guddoomiyeyaasha gobollada ayaa loo xil saaray inay si hufan u maareeyaan qaybinta sahayda iyagoo la kaashanaya hay’adaha samafalka iyo ururada bulshada rayidka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda, mutadawiciinta, iyo shacabka inay mideeyaan dadaalkooda si loo badbaadiyo nolosha dadka ku nool miyiga. Wuxuu sheegay in midnimo iyo iskaashi ay tahay furaha looga adkaan karo caqabadaha abaarta.

“Waa midnimo iyo isku-duubni in aan uga hortagno caqabadaha abaaraha,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay xiritaankii kulanka,

Dowladda ayaa si cad u sheegtay in abaarahani ay yihiin saameyn toos ah oo ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka, taasoo caqabad weyn ku ah bulshada ku tiirsan xoolo dhaqashada iyo beeraha roobka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here