Saturday, July 19, 2025

Canshuuraha Shacabka oo lagu maalgelinayo dhismaha Waddada 26-ka June

Soohoyde

Muqdisho (Dawan)Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruuc cusub oo lagu dayactirayo Waddada 26-ka June ee Degmada Hodan, taasoo muhiimad weyn u leh isku socodka magaalada. Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 1.3 kiiloomitir, ayaa horey loo dhisay, laakiin waxay burburtay kadib roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay Muqdisho. Hadda, mashruucan waxaa lagu maalgelinayaa lacag laga soo aruuriyay canshuuraha shacabka.

Dhismaha Waddada iyo Canshuurta Shacabka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay in mashruucan uu qeyb ka yahay ballanqaadkii maamulka ee ahaa in canshuuraha shacabka si toos ah loogu isticmaalo adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Tani waa qeyb ka mid ah ballanqaadkeenna ah in canshuurta shacabka si toos ah loogu bixiyo mashaariic ay dadweynuhu faa’iido ka helayaan,” ayuu yiri Muungaab mar uu ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga waddada.

Shirkadda Docol oo Fulineysa Mashruuca

Mashruuca dhismaha waxaa loo xilsaaray shirkadda Docol, oo horey u fulisay mashaariic la mid ah, sida waddada Zoobe iyo laamiga isku xira Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir. Guddoomiyaha shirkadda Docol, Yuusuf Xuseen Axmed, ayaa sheegay in shirkaddu ay mas’uuliyad buuxda iska saarayso tayada dhismaha iyo burbur kasta oo soo gaara muddada shanta sano ee ugu horreysa.

“Haddii waddadan wax ku yimaadaan muddo shan sano ah, annaga ayaa qaadeyno mas’uuliyadda,” ayuu yiri guddoomiyaha shirkadda.

Caqabadaha iyo Fursadaha Mustaqbalka

Waddada 26-ka June waxay kamid tahay dhowr waddo oo maamulka gobolka uu dhagax-dhigay intii uu xilka hayay Muungaab, iyadoo mashruucyadan lagu tilmaamay kuwo muujinaya dadaalka maamulka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, guusha mashruucan iyo kuwa la midka ah waxay si weyn ugu xirnaan doonaan waqtiga lagu dhameeyo, hufnaanta maareynta maaliyadeed, iyo tayada dhismaha muddada fog.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here