Friday, July 18, 2025

Wararka Dunida oo Kooban

Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Alshabab weerar is-miidaamin ah ku soo qaadeen Dugsiga Milateriga Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho subaxnimadii Arbacada, abaare 11:20 daqiiqo.

Muqdisho

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda gargaarka bini’aadantinimo (OCHA) ayaa ka digtay in hoos u dhaca ba’an ee ku yimid maalgelinta gargaarka Soomaaliya uu halis gelinayo malaayiin qof oo u baahan kaalmo naf-badbaadin ah.

Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruuc cusub oo lagu dayactirayo Waddada 26-ka June ee Degmada Hodan, taasoo muhiimad weyn u leh isku socodka magaalada. Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 1.3 kiiloomitir, ayaa horey loo dhisay, laakiin waxay burburtay kadib roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay Muqdisho.

Jigjiga

Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa Taladadii  si rasmi ah u bilowday qiimeyn afar maalmood socon doonta oo lagu eegayo waxqabadka xafiisyada heer deegaan iyo maamulada gobollada, taas oo loo arko mid ka mid ah baaritaannada ugu ballaaran ee lagu sameeyo hay’adaha dowladda deegaanka.

Hargeysa

Mashruuc beeraley iyo biyo-xireen malaayiin doollar ah oo laga hirgelinayo deegaanka Wajaale ayaa dhaliyay falcelin caro leh iyo walaac shacabka, kadib markii la shaaciyay in la rarayo bulshooyin iyo ciidamo halkaas degan—iyadoo aan loo hayn qorshe faahfaahsan oo dib-u-dejin ah.

Djibouti

Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilawday olole gurmad qaran oo degdeg ah si looga jawaabo xaaladda abaaraha daran ee saameeyay gobollada miyiga ah ee dalka, kuwaas oo ay si gaar ah u saameeyeen biyo la’aan baahsan iyo hoos u dhac ku yimid nolosha bulshada reer miyiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here