Friday, July 18, 2025

DDS oo bilaawday qiimeynta waxqabadka xafiisyada ee sanadka 2017.

Jigjiga (Dawan ) – Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa Talaadadii si rasmi ah uga billowday magaalada Jigjiga qiimeyn afar maalmood ah oo lagu eegayo waxqabadka xafiisyada heer deegaan iyo maamulada gobollada. Waxaa loo arkaa mid ka mid ah baaritaannadii ugu baaxadda weynaa ee lagu sameeyo hay’adaha dowladda deegaanka.

Qiimeynta, oo maanta gashay maalinteedii labaad, waxaa furay Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, waxaana diiradda lagu saarayaa mashaariicda la fuliyay intii u dhaxaysay bisha Hamle 2016 ilaa Sane 2017 ee sannadka miisaaniyadeedka Itoobiya (T.I).

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in ujeeddada qiimeyntu tahay kor u qaadidda isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo tayada adeegyada dowladda, iyadoo qeyb ka ah ajandaha dib-u-habeynta maamulka ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Mustafe.

Qiimeyntan ayaa la filayaa in ay sahasho in la helo xog dhab ah oo ku saabsan heerka waxqabadka xafiisyada iyo meelaha u baahan in la xoojiyo iyadoo ilaa 15 xafiis la qiimeeyey.

Xafiisyada la qiimeeyay maalinta 1-aad:

  1. Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada
  2. Xafiiska Maalgashiga iyo Warshadaha
  3. Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka
  4. Xafiiska Cadaaladda
  5. Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga
  6. Xafiiska Jidadka
  7. Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka
  8. Xafiiska Waxbarashada

Xafiisyada la qiimeeyay maalinta 2-aad:

  1. Xafiiska Biyaha
  2. Xafiiska Arrimaha Bulshada
  3. Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka
  4. Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyadda
  5. Xafiiska Nabadgelyada
  6. Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska
  7. Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Waxaa la filayaa in marka qiimeyntu dhamaato lasoo saaro warbixin dhammeystiran oo xambaarsan natiijooyin iyo talooyin wax ku ool ah oo ku wajahan horumarinta maamulka iyo adeegyada bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here