Thursday, July 17, 2025

Jabuuti iyo Midowga Yurub oo dib u eegaya iskaashigooda

Jabuuti(Dawan) — Dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa 8-dii Luulyo yeeshay kulan dib u eegis loogu sameeyay iskaashiga horumarineed ee labada dhinac, iyada oo loo marayo barnaamijka NDICI – Global Europe (2021–2027), kaasoo ah aaladda ugu weyn ee Midowga Yurub u adeegsado tallaabooyinka arrimaha dibadda.

Kulanka oo ka dhacay Jabuuti waxaa si wadajir ah u guddoomiyay xubin mataleysay wasaradda Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Jabuuti Denisa‑Elena Ionete. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan dowladda, wakiillo ka socda waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub  iyo bahwadaagta mashruucyada ka socda gudaha dalka.

Sida ay sheegaty wakaladda Waraka Jabuuti, oodaha ayaa diiradda lagu saaray heerka ay marayaan mashruucyada socda, caqabadaha jira iyo sida iskaashigu u waafaqayo Qorshaha Horumarinta Qaranka 2025–2030. Danjiraha Midowga Yurub ayaa caddeysay in Midowga Yurub uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa maalgelin badan oo dadweyne oo taageerta isbeddellada muhiimka ah.

Wakaalada waxay ay intaas ku dartay in kulanka uu  lahaa laba qaybood: mid istiraatiijiyadeed oo u dhexeeyay wakiillada EU-da iyo dowladda Jabuuti, iyo mid farsamo oo u gaar ah bahwadaagta hirgelinta mashruucyada si looga wada hadlo qandaraasyada, waayo-aragnimada wanaagsan iyo isuduwidda hay’adaha. Labada dhinac waxay sheegeen in barnaamijkan wada-tashiga ah lagu xoojinayo waxtarka, daahfurnaanta, iyo isla xisaabtanka mashruucyada, iyadoo la bilaabay qorshaynta wareegga cusub ee iskaashiga sannadaha 2028–2034.

NDICI – Global Europe, oo lagu dhawaaqay 2021, wuxuu mideynayaa dhowr barnaamij oo hore u kala duwanaa, wuxuuna leeyahay miisaaniyad dhan €79.5 bilyan. Waxa uu sidoo kale saldhig u yahay hindisaha Global Gateway, oo loogu talagalay in lagu xoojiyo isku xirnaanta caalamiga ah, gaar ahaan dalalka sida Jabuuti. Barnaamijku wuxuu fure u yahay maalgelin mashruucyo digital ah, gaadiid, iyo tamar waarta oo hadda ka socda gudaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here