Jowhar (Dawan) – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa magaalada Jowhar ka furay Arbacadii tababar afar maalmood socon doona oo loogu talagalay shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ku sugan deegaanada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka tooska ah ee qof iyo cod ah ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka.
Cabdi Cadow oo ah xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka, ayaa si rasmi ah u furay tababarka, isagoo ku booriyay ka qeybgalayaasha in ay xil weyn iska saaraan shaqadooda. “Waxaad qayb ka tihiin nidaamkii dib u qaabeyn lahaa dimuqraadiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo xusay muhiimadda shaqadooda ee dhismaha hannaanka doorashooyinka.
Sida uu sheegya guddiga muddo afarta maalmood ah, shaqaalaha waxaa lagu barayaa shuruucda doorashada, isticmaalka qalabka casriga ah ee diiwaangelinta, ilaalinta xogta shaqsiga ah, iyo anshaxa goobta shaqada, si loo hubiyo habraac hufan oo daahfuran.
Mas’uuliyiinta magaalada Jowhar, oo ay ka mid yihiin Duqa Magaalada, Cusmaan Maxamuud Mukhtaar (Baareey), iyo Wasiirka Waxbarashada Hirshabelle, Saciid Camalow, ayaa si dhow ula shaqeynaya guddiga howsha diiwaangelinta wada.
Ololahan tababarka ee Jowhar ayaa ku soo beegmaya iyadoo horay magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb, iyo Baydhabo looga bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo qeyb ka ah dadaalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu ugu jiro hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda guud ahaan dalka.