Friday, July 18, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aasaastay Gole Qaran oo loogu talagalay tayeynta iyo kormeerka waxbarashada sare, kaas oo si toos ah uga howlgali doona hirgelinta heerarka tacliinta sare, ansixinta manhajyada jaamacadaha, iyo bixinta ama la-laabashada ruqsadaha machadyada tacliinta sare ee dalka.

Laascaanood

Shirweynaha dhamaystirka ee dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta lagu wadaa  in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood, iyadoo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay goobjoog ka yihiin furitaanka.

Kampala

Muhoozi Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada Uganda kana mid ah dadka saameynta ku leh siyaasadda dalkaas, ayaa soo jeediyay in dalkiisu dib uga fiirsado joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Jowhar

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa magaalada Jowhar ka furay Arbacadii tababar afar maalmood socon doona oo loogu talagalay shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ku sugan deegaanada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Jabuuti

Dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa 8-dii Luulyo yeeshay kulan dib u eegis loogu sameeyay iskaashiga horumarineed ee labada dhinac, iyada oo loo marayo barnaamijka NDICI – Global Europe (2021–2027), kaasoo ah aaladda ugu weyn ee Midowga Yurub u adeegsado tallaabooyinka arrimaha dibadda.

Jigjiga

Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shaacisay inay sannadkan 2024/2025 (2017 ee jadwalka Itoobiya) ururisay dakhli dhan 18.5 bilyan oo Birr, una dhiganta ku dhowaad $330 milyan, taasoo ka badan qorshihii hore ee ahaa 17.6 bilyan Birr (qiyaastii $314 milyan). Tani waxay ka dhigan tahay 104.6% fulinta qorshihii miisaaniyadeed ee sannadkan.

Moroni

Danjiraha aan degganayn ee Soomaaliya u fadhiya waddanka Komoros, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyay Madaxweynaha Midowga Komoros, Azali Assoumani, xaflad ka dhacday Madaxtooyada Moroni.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here