Friday, July 18, 2025

Howlgallo Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe oo Lagu dilay  xubno AS ka tirsanaa.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ay howlgallo qorsheysan  oo ay ka fulisay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, lagu dilay 13  xubnood oo ka tirsanaa alshabaab, kuwaas oo qaar kamida ay horjoogayaal ahaayeen.

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalladu ka kala dhaceen deegaannada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo buurta Ceelbaraf, iyadoo lagu beegsaday xubno  ay NISA ku sheegtay in ay qorsheynayeen  maalmihii udanbeeyay falal amni-darro.

Howlgalka deegaanka Qoordheere oo hoos taga degmada Raagaceelle ayaa lagu sheegay in lagu dilay afar xubnood, iyadoo la burburiyay teendhooyin iyo keyd hub ah. Sidoo kale, howlgal laga sameeyay inta u dhaxeysa Xawaala-kulan iyo Reydableey ayaa lagu sheegay in lagu dilay shan xubnood.

 Dhinaca kale,  afar xubnood  oo kale ayaa lag usheegay  war saxaafadeedka in lagu dilay buurta Ceelbaraf, halkaas oo NISA ay tilmaamtay in lagu maleegayay falal amniga lid ku ah

Howlgaladaan ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo  Alshabaab ay muddooyinkii dambe dagaallo culus ku dhexmarayeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here