Friday, July 18, 2025

Erdogan iyo Xasan Sheekh oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Ankara – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xarunta madaxtooyada dalkaasi ee ku taalla magaalada Ankara.

Kulanka oo ka dhacay si gaar ah gudaha xarunta Cumhurbaşkanlığı Külliyesi ayaa lagu lafa-guray arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo xaaladaha guud ee gobolka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Warfaafinta madaxtooyada Turkiga, labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, tamarta, iyo la-dagaalanka kooxaha hubeysan ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku nuux-nuuxsaday in Turkigu ka go’an tahay inuu sii xoojiyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, iyadoo lagu tala jiro in la qaado tallaabooyin hor leh oo lagu horumarinayo iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan ayaa muujiyay in Turkigu uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya caqabado amni, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya gaarto midnimo qaran oo wax ku ool ah si wax looga qabto kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Turkiga ay leeyihiin iskaashi ballaaran oo ku saleysan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin tamarta, la-dagaalanka argagixisada, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taageerada hey’adaha amniga Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here