Wednesday, July 16, 2025

Jabuuti oo ka qaybgashay kal-fadhiga 50aad ee Golaha Baarlamaanka APF

PARIS(Dawan)– Dowladda Jabuuti ayaa ka qayb gashay kal-fadhiga 50aad ee Golaha Baarlamaannada Dalalka Afka Faransiiska ku Hadla (Assemblée parlementaire de la Francophonie – APF), kaas oo ka dhacaya magaalada Paris intii u dhaxaysa 9 ilaa 14-ka Luulyo.

Shirkan sannadlaha ah ayaa lagu martigeliyay in ka badan 100 xildhibaan oo ka kala yimid shan qaaradood. APF waa hay’adda baarlamaaniga ah ee ugu sarraysa ee ururka Francophonie, waxaana la aas aasay sannadkii 1967. Waxaa xubno ka ah 95 baarlamaan, kuwaas oo ku mideysan ilaalinta qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka sharciga, xuquuqda aadanaha, iyo kor u qaadidda afka Faransiiska.

Jabuuti waxaa shirka ku metelayay Dileita Maxamed Dileita, Guddoomiyaha Golaha Qaranka, oo ka qaybgalaya doodaha fadhiyada kala duwan iyo kulammo heer sare ah. Waxaa ka mid ahaa kulan ka dhacay Qasriga Élysée Sabdigii, halkaas oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu kula kulmay madaxda baarlamaanada dalalka Francophone-ka.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), Dileita ayaa uga mahadceliyay dawladda Faransiiska martigelinta diirran ee loo sameeyay wufuudda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Jabuuti iyo Faransiiska.

Wuxuu sidoo kale muujiyay taageerada heshiiska difaaca ee labada dal, kaas oo dhowaan si isku raacsan u ansixiyeen Golaha Sare ee Faransiiska, isaga oo ku tilmaamay “calaamad cad oo muujinaysa kalsooni iyo iskaashi joogto ah.” Faransiiska ayaa weli leh saldhig milatari oo muhiim ah gudaha Jabuuti.

Shirka APF ee sanadkan wuxuu diiradda saaray mowduucyo ay ka mid yihiin: *maamul wanaagga, ka-qaybgalka dhallinyarada, doorka haweenka, la dagaalanka marin-habaabinta xogta, iyo saamaynta sirdoonka macmalka ah (AI) ee saameynaya dumuqraadiyadda casriga ah. Dowladda Jabuuti ayaa u aragta ka qaybgalka APF inuu yahay fursad muhiim ah oo ay ku muujiso mudnaanta gobolka, kuna xoojiso iskaashiga ay la leedahay waddamada kale ee afka Faransiiska ku hadla ee ku kala yaalla Afrika, Yurub, iyo dacallada kale ee dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here