Muqdisho
Salaam Bank ayaa noqday bangigii ugu horreeyay ee ganacsi oo Soomaaliyeed oo si rasmi ah u bilaaba adeegyo u suurtagelinaya macaamiisha in ay deebaajiyaan lacagaha USDT (Tether), ama ay ku soo ceshadaan USD (Doolar Maraykan ah), iyagoo adeegsanaya xisaabaadkooda bangiga.
Muqdisho
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay maanta furitaanka nidaamka shati-siinta shirkadaha bixiya adeegyada Takafulka (caymiska Islaamiga ah), iyada oo loo qabtay muddo lix bilood ah si ay iskugu diiwaangeliyaan nidaamka cusub.
Laascaanood
Shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta ka furmay magaalada Laascaanood, kaddib laba jeer oo uu dib u dhacay.
Jabuuti
Dowladda Jabuuti ayaa ka qayb gashay kal-fadhiga 50aad ee Golaha Baarlamaannada Dalalka Afka Faransiiska ku Hadla, kaas oo ka dhacaya magaalada Paris intii u dhaxaysa 9 ilaa 14-ka Luulyo.
Hiiraan
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqday in habeenkii Axaddii ay fulisay howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Buulo-Xoog, hoos timaada Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, iyadoo sheegtay in 7 dagaallameyaal oo Al-Shabaab ah la dilay, lana burburiyay laba gaari oo hubeysan.
Jowhar
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay diiwaangelinta codbixiyeyaasha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.