Hiiraan (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa shaacisay inay xalay howlgallo ka sameysay gobolka Hiiraan, taasoo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan kooxaha Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay meel u dhow Isgoyska Gayacad ee agagaarka deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyadoo NISA ay howlgalkaas ku fulisay iskaashi ay la sameysay saaxiibada caalamiga ah.
War-saxaafadeed ay maanta Isniin ku baahisay baraha bulshada, NISA waxay sheegtay in howlgalku uu ahaa saddex weerar habeenkii ka dhacay, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday xubno Al-Shabaab ah oo ka soo dhaqaaqay deegaanada Aden Yabaal iyo Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku sii jeeday inay caawiyaan xubno kale oo Al-Shabaab ah oo ku go’doonsanaa gobolka Hiiraan.
Hay’addu waxay intaa ku dartay in howlgalka uu sababay in la dilo 15 dagaallame iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo 5 dagaallame oo kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay isku dayeen inay isku dhuuntaan dhul kayn ah oo fog, balse ugu dambeyn la bartilmaameedsaday lana laayay, iyadoo howlgalka uu weli socdo, ciidankuna ay raad joog u yihiin dagaalyahannadii goobta ka baxsaday.
“Howlgalka ayaa socda iyadoo ciidanku ay raad joog u yihiin dagaallamyaashii goobta ka baxsaday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadda.
Waxaa xusid mudan in NISA ay sidoo kale shalay sheegtay inay dishay 7 xubnood oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal habeennimdii Axadda ay fulisay.
Howlgallada isdaba jooogga ah ee NISA sheeganeyso ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay usbuucii la soo dhaafay la wareegeen Moqokori, oo ah saldhig muhiim u ah ciidamada deegaanka guud ahaan gobolka Hiiraan.