Nairobi (Dawan) – Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka ku bahoobay Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative – HoAI) ayaa maanta ku kulmay xafiiska Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ee magaalada Nairobi, si ay uga wada hadlaan horumarinta ajandaha dhijitaalka, isku xirka gobolka, iyo kor u qaadista dhaqaalaha.
Sida ay sheegtay Madasha Iskaashiga, shirka waxaa ka qaybgalay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Wasaaradda Maaliyadda Kenya, Bangiga Adduunka, Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Jarmalka (BMZ), Guddiga Yurub, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Boqortooyada Ingiriiska.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa guddoomiyay shirka, isagoo la wadaagay ka qaybgalayaasha in hirgelinta qorshayaasha casriga ah ee hannaanka dhijitaalka ah ay door weyn ka ciyaari karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo isku xirka dalalka Geeska Afrika.
“Waxaan la yeelanay wadahadallo miro-dhal ah saaxiibadeen horumarineed si loo dardargeliyo ajandaha dhijitaalka ee gobolka, taasoo furaha u ah kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin iyo xoojinta isku xirka gobolka.”ayuu ku yiri Wasiir Biixi bartiisa X.

Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay bishii Abriil 2025 si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka Madasha, intii lagu guda jiray shirkii 24-aad ee ka dhacay xarunta Bangiga Adduunka ee Washington, DC.
Madasha Iskaashiga Geeska Afrika, oo la aasaasay sanadkii 2019, waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo horumarka wadamada Djibouti, Eritrea, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, iyo Suudaan. Madashan waxaa taageera hay’ado caalami ah sida Bangiga Horumarinta Afrika, Bangiga Adduunka, Guddiga Yurub, iyo hay’adaha horumarineed ee waddamada kale.