Tuesday, July 15, 2025
Array

Baarlamaanka Puntland oo xubinnimada ka xayuubiyay xildhibaan Cabdirashiid

Garoowe (Dawan) – Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga qaaday xubinnimada  golaha  Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib kulan cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay aqbalaadda xil ka qaadistiisa.

Fadhiga oo ahaa kii 15-aad ee Kalfadhiga 56-aad ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid. Intii uu socday kulanka, 38 xildhibaan ayaa u codeeyay in Cabdirashiid laga xayuubiyo xildhibaanimada, hal xildhibaan ayaa diiday halka 4 kalena ay ka aamuseen.

“Fadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen 𝗮𝗾𝗯𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝘂𝗺𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘅𝘂𝗯𝗶𝗻𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 ee Xildhibaan 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘀𝗵𝗶𝗶𝗱 𝗬𝘂𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗝𝗶𝗯𝗿𝗶𝗶𝗹.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland.

Go’aankan ayaa yimid kadib codsi rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Puntland, kaas oo bishii July 13-keedii ku eedeeyay Xildhibaan Cabdirashiid falal dambiyeedyo ka dhan ah amniga Puntland. Xeer-ilaalintu waxay ku dalbatay in xasaanadda laga qaado si hay’adaha amniga ay u qabtaan.

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isagu si iskiis ah horey ugu dhawaaqay inuu iska casilay xubinnimada Golaha Wakiillada, ka hor inta aan Golaha si rasmi ah uga qaadin xilka.

Xildhibaan Cabdirashiid waxaa laga soo doortay gobolka Sanaag – deegaan ay Puntland sheegato balse hadda uu ka socdo dhismha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo dhismihiisu marayo heer gabagabo ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here