Eyl (Dawan ) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa Jimcihii, si kulul ugu eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si ula kac ah u hor istaagtay mashaariic horumarineed oo uu Bangiga Adduunku maalgelin lahaa, kuwaas oo Puntland xaq u lahayd.
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabadda xarig-jarka dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee degmada Eyl. Agaasimaha ayaa sheegay in saddex mashruuc oo la qorsheeyay laga bilaabo December 2024 ay hakad ku jiraan labao ka mid ah sababo la xiriira gaabis iyo hagardaamo siyaasadeed oo ka timid Wasaaradda Maaliyadda Federaalka Soomaaliya.
“Emailka aan dirno wuxuu qaataa bil ama labo bilood si looga soo jawaabo, haddii Puntland mashruuc diiday, ha la keeno caddeyn” ayuu yiri Agaasimaha.
Wasaaradda ayaa sidoo kale dhaliil u jeedisay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo ay sheegtay in ay ka gaabiyeen difaacidda xuquuqda deegaanka. Qaar kamid ah ayaa lagu eedeeyey in ay faafinayaan warar aan sal lahayn oo sheegaya in Puntland ay mashaariicda diidday.
Khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka ee ku saabsan mashaariicda horumarineed ayaa sanadahaanba soo jirtay wuxuu muujinayaa kalsooni darro sii kordheysa ee ka jirta hannaanka federaalka, gaar ahaan qeybsiga kheyraadka iyo awoodda maamulka.