Monday, July 21, 2025

Puntland oo sheegtay in laba siba uusan hubka gacantooda ku soo dhaafin

Raas Casayr(Dawan) – Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay in hubkii saarnaa markabka SEA WORLD ee lagu qabtay xeebaha gobolka Bari uusan Puntland ka gudbi doonin laba xaaladood midna, iyadoo sheegtay in midkasta oo xaaladahaasi ah ay si buuxda ula jaanqaadayaan mas’uuliyadda ay ka saarantahay amniga iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish.

Guddoomiyaha Raas Casayr, Cumar Cismaan, oo ka hadlay ayaa sheegay in haddii hubkaasi uu yahay mid sharci darro ah, uu hadda ku jiro gacan badbaado oo uu sheegya inay  puntland tahay,sidoo kale, haddii uu yahay deeq milatari oo loo waday dowladda Federaalka, wuxuu xusay in ay Puntland hadda u baahan tahay si ka badan meel kasta, maadaama ay dagaal toos ah kula jirto kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka.

“Haddii markabkan uu khatar ku ahaa Soomaaliya, dowladda Puntland ayaa si buuxda u qabatay. Haddii uu ahaa deeq milatarina, maanta wuxuu ku sugan yahay meel dagaal toos ah lagula jiro Daacish,” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Cismaan.

Sida uu horay Dawan ugu xaqiijiyay masuul dowladeeed oo codsaday in magaciisa aan la shaacin, ma aha hubka saarnaa markabka mid sharci darro ah, si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku jiray markab ganacsi gaar loo leeyahay, arrintaas oo keentay su’aalo ku saabsan hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda.

Qoaraalo rasmi ah oo lasoo bandhigay ayaa sheegay in qaybo ka mid ah hubkii saarnaa markabka SEA WORLD ay galeen gacanta dad rayid ah oo ku sugan deegaannada Bareeda iyo Caluula iyadoo warbaahinta gudaha ayaa baahisay sawirro muujinaya dad gacanta ku haya hub kuwaas oo ay sheegeen inuu yahaya hubkii saarnaa markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo SEA WORLD, lagana leeyahay Jasiiradda Komoros, ayaa la sheegay inuu kasoo baxay Izmir, Turkiga kuna socday Muqdisho. Balse waxaana lagu hayaa xeebaha Puntland  tan iyo 18-kii Luulyo 2025.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here