Monday, July 21, 2025
Array

Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika oo xafiis ka furanaya Somaliland.

Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika oo xarun cusub ka furanayo Somaliland, ka dib booqasho ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa.

Weftiga oo ka koobnaa 9 xubnood, oo ka socday Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika oo ku sugan hargeysa ayaa qasriga madaxtoodaya Somaliland kula kulmay mdaxweynaha Somaliland, iyaga oo kala hadlay suurtagalnimada ilaha ugu muhiimsan ee maalgashi ee ka jira Somaliland.

war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa lagu sheegay in ujeedada safarka gudigaan ay qeyb ka tahay in ay xarun cusub uu ka furto golaha Somaliland. Himilooyinka kale ee golaha ayaa waxaa ka mid ah, indha indheynta fursaha maalgashi ee ka jira Soomaaliland, sida kaluumeysiga, xoolaha, iyo beeraha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa wafidiga usoo jeediyay in ay sahmintooda ay xooga ku saaraan meelaha la iska gaashan karo, sida dhinacyada khayraadka dabiiciga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo ganacsiga.

Dhanka kale wafidiga ayaa muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin xoojinta iskaashiga dhinacyada maalgashiga iyo ganaciga sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here