Tuesday, July 22, 2025

NISA oo burburisay kayd qaraxyo oo AS ku lahayd Dhanaane

Dhanaane (Dawan ) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in cutubka gaarka ah ee Gaashaan uu xalay hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu burburiyay xarun ay kooxda Al-Shabaab u isticmaali jirtay kaydinta waxyaabaha qarxa.

War qoraal ah oo NISA soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu saleynayay “xog sirdoon oo la xaqiijiyay,” taasoo muujisay in goobtaasi laga abaabulayay weerarro lagu bartilmaameedsanayo shacabka Soomaaliyeed.

“Goobta waxaa Khawaarijtu [Al-Shabaab] u adeegsanayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa ee lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ay NISA soo saartay.

Howlgalkaas laguma soo warin wax khasaare rayid ah. Mas’uuliyiinta hay’addu waxay sheegeen in hawlgalka uu ahaa mid looga hortagayo shirqool amni oo weyn.

Tani waxay noqonaysaa weerarkii labaad oo lagu qaado deegaankaas dhowaanahan. Bishii Juun 3-deedii, NISA ayaa sidoo kale sheegtay in cutubkeeda Gaashaan uu hawlgal la mid ah ku dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa howlaha kooxda ee Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaty inay kordhisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo howlgallo wadajir ah laga fuliyay Koonfur Galbeed, HirShabeelle, iyo Galmudug, iyadoo iskaashi lala sameeyay ciidamada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here