Tuesday, July 22, 2025

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Jigjiga

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ansixisay miisaaniyad dhan 1,397,200,000 Birr (oo u dhiganta ku dhawaad 24.5 milyan oo Doollar) si loogu fuliyo mashaariicda hoos yimaada qorshaha Yoolasha Horumarka Waara (SDGs), sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta DDS.

Dhanaane

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in cutubka gaarka ah ee Gaashaan uu xalay hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu burburiyay xarun ay kooxda Al-Shabaab u isticmaali jirtay kaydinta waxyaabaha qarxa.

Muqdisho

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ku adkeystay in uu xilka ka tago oo uu iscaliso, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday inuu aqbalo iscasilaadda, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Dawan.

Athens

in ka badan 100 muhaajiriin ah, kuwaasoo badankoodu rag ahaayeen, ayaa Maaanta Isniinta, laga qaaday jasiiradda Crete loona raray dekedda Piraeus ee magaalada Athens, si loo diiwaan geliyo loona geeyo xarumaha xabsiga, sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta maxalliga ah.

Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 14 qof Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Suudaan, kuwaas oo muddo ku sugnaa xaalado adag .

Soo celinta muwaadiniintaasi waxaa si wadajir ah uga shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka (IOM).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here