Hargeysa (Dawan ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa ku dhawaaqay olole gurmad degdeg ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada Awdal, Sanaag, iyo Saaxil, halkaas oo ay abaar daba-dheer ahi si weyn u waxyeelleeyeen nolosha dadka iyo xoolaha.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kaddib kulan gaar ah oo uu Madaxweyne Cirro shir-guddoomiyay oo lagu qabtay magaalada Hargeysa 21-kii Luulyo 2025, kaas oo ay Golaha Wasiirradu uga arrinsadeen xaaladda bani’aadantinimo ee sii xumaanaysa. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in abaartu ay si gaar ah u saameysay nolol maalmeedka dadka reer miyiga ah, xoolaha, helitaanka biyaha, daaqa, iyo dhaqaalaha bulshada.
“Xaaladda deegaanada qaar gaar ahaan Awdal, Sanaag iyo Saaxil waa mid aad u culus. Waxaa naga go’an in aan wax kasta oo suurtagal ah u hurno sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland , Madaxweyne Ku-xigeenka, iyo dhammaan Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa hal bil oo mushaharkooda ah ugu deeqay dadka abaartu saameysay.
“Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo dhammaan Golaha Wasiirrada waxay mushaharkooda hal bil ah ugu deeqayaan gurmadka abaaraha,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Somaliland—gudaha iyo qurbaha— in ay si mideysan uga qeyb qaataan dadaallada gurmadka. Sidoo kale, wuxuu ugu yeeray beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka in ay si degdeg ah uga jawaabaan baaqa gargaar.
Baaqan ayaa kusoo beegmaya kaddib warbixin kasoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Gargaarka (OCHA), taasoo lagu sheegay in in ka badan 60 maalmood oo xiriir ah roob la’aan ah laga diiwaan geliyay deegaanno ka tirsan Somaliland oo Awdal ay ku jirto, taas oo si weyn u kordhisay dhibaatada abaarta.
OCHA waxay sidoo kale sheegtay in bartilmaameedkii barnaamijyada Biyaha, Nadaafadda iyo Fayadhowrka (WASH) ee sannadka 2025 ay la gaareen oo keliya 14%, taasoo sababtay in la joojiyo adeegyo muhiim ah sida biyaha la gaarsiiyo dadka, iyadoo in ka badan 300,000 oo qof aysan heli karin biyo nadiif ah.