Wednesday, July 23, 2025

Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland oo isku eedeeyey dagaalkii Beled-xaawo

Beled-xaawo (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dagaalkii ku dhexmaray labada dhinac maanta magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku soo weerartay diyaarado milatari magaalada Beled-Xaawo, oo ay sheegeen in ay Jubaland gacanta ku hayso. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland, weerarka ayaa lagu eedeeyay in uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo mas’uuliyiinta Jubaland ay ku tilmaameen in ay hoos u dhigeyso kalsoonida shacabka ee dowladda Federaalka.

“Waxaa nasiib darro ah in amarka weerarkaasi u bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo ah mid dhaawac ku ah kalsoonidi shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Jubaland waxa ay sheegtay in ciidamada Jubaland ay gacanta ku hayaan magaalada oo ay isdifaaceen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in iyada lagu soo qaaday weerar, iyadoo Wasaaradda Amniga Gudaha ay ku eedeysay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), inuu ka dambeeyay weerarka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegay in weerarka uu qayb ka yahay falal dambiyo joogta ah oo uu ku kacayo Madoobe iyo ciidamada uu hogaamiyo, waxaana weerarku ka dhacay xilli ay dadku ku mashquulsanaayeen hawl maalmeedkooda.

“Falkaan, oo qayb ka ah dambiyada joogtada ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe, ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiisyada hay’adaha socdaalka, goobo ay ku sugan yihiin qaxootiga iyo xeryo ciidamada amniga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale digniin u dirtay ciidan ay ku tilmaantay maleeshiyad ku hoos jira Axmed Madoobe, iyadoo sheegtay in tallaabo sharci ah la qaadi doono haddii weerarada noocan oo kale ay sii socdaan. “Kuwo ka qaybqaata falalkan dambiyeed waxay wajihi doonaan sharciga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dagaalka ka dhacay Baladawo ayaa sii xoojiyay xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, oo ah meesha uu ka dhacay dagaalka, oo ah ubucda ugu weyn ee laga jaangooyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here