Wednesday, July 23, 2025
Array

Muungaab: Suuqyada Muqdisho lama deegaameyn Doono

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in aysan jirin cid qaadan karta ama deegaameyn karta Suuqyada Muqdisho, Xilli uu Isniintii booqday Suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ka yimid ganacsatada suuqa.

Muungaab ayaa ku dhawaaqay in ay dowladda ka go’an tahay ilaalinta ganacsiga iyo hantida shacabka, isaga oo intaas ku daray in aysan jirin cid ku qabsan karta ganacasata hadda ku ganacsada suuqyada Muqdish.” Ma jirto cid cabiran karto Suuqa Bakaaraha oo deegaameyn karta” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in aysan jirin wax amarro ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ama dowladda Federaalka oo ku saabsan barakicinta ganacsatada suuqa Bakaaraha. “Aniga oo duqa muqdisho ah xataa warqad la’idinku barakicinaayo ma soo saari karo,” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale, Muungaab ayaa adkeeyay in suuqyada Muqdisho ay sii ahaan doonaan suuqyo ay ganacsatada ku sii shaqeysan doonaan waligood, isagoo xusay in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta dhulka danta guud ee magaalada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here