By Abukar Osman
UNHCR Hay’adda Qaramada Midoobay ee U qaabilsan Qaxootiga, ayaa sheegtay in kabadan 5.9 oo Soomaali ah ay u baahan yihiin Caawin biniaadan tinimo, warbixin ay soo saartay hay’adda ayay ku sheegay in ay Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bini’aadantinimo oo aad u adag.
Hay’adda ayaa sheegtay in 4.6 milyan qof ayaa wajahayaan cunna la’aan daran,iyada oo 1.8 milyan oo carruur ah ayaa la filayaa inay nafaqo darro daran la kulmaan sanadka 2025.
Dagaalo, fatahaado, abaara daba deeraaday iyo cudurada faafa ayaa sii xumeynaya xaaladda dadka ku barakacay kuwada.
UNHCR ayaa sheegtay iyada oo kaashaneysa deeqbixiyayaasha caalamiga ah agabyo gargaar ay gaarsiiyeen 741 qoys oo Baydhabi kula tacaalayay qasaaraha ka soo gaaray fatahaadaha. Sidoo kale Hargeisa, 613 qof oo barakacday ayaa helay adeegyo caafimaad, halka muqdishana 268 bukaan ay heleen daryeel caafimaad oo aasaasi ah.
Wadar guud ee deeqaha ee loogu talagalay 2025 waxay gaareen $18.91 milyan illaa Juun, Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii jira farqi weyn oo lacag ah, iyadoo la helay kaliya 12%, oo ka mid ah $157 milyan oo ay horay u sheegtay hay’adda in loo baahan yahay.
Warbixintaan waxay iftiimisaa howlaaha socda iyo caqabadaha ka jira jawaabta bani’aadamnimo ee xaaladaha ay ku jiraan in ka badan malaayiin oo qof ee ku sugan Soomaaliya, oo ay ku jiraan dad guryahooyi ka bara klacay iyo kuwa kale oo magangelyo ka soo doontay Soomaaliya.