Sunday, July 27, 2025

Soomaaliya iyo Jabuuti oo Kormeerayo Badqabka Dawooyinka iyo Talaalka

Muqdisho (Dawan ) – Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa markii ugu horreysay hirgeliyey nidaamyo qaran oo dhanka kormeerka badqabka dawooyinka iyo tallaalada ah, kuwaas oo loogu talagalay in si rasmi ah loo dabagalo looguna qiimeeyo halista iyo tayada dawooyinka la isticmaalayo. Sida ay ku dhawaaqday Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Afrika (Africa CDC) 24 Luulyo 2025.

Kormeerka badqabka dawooyinka, waa hab cilmiyeed lagu ogaanayo laguna xakameynayo waxyeellooyinka kasoo bixi kara isticmaalka dawooyinka. Waxa kale oo lagu ogaadaa badeecooyinka tayo xumada leh, kuwa been abuurka ah, ama waxyeellooyinka degdegga ah ee la xiriira tallaalada ama daawooyinka.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), nidaamyadan ayaa muhiim u ah wadamada ku tiirsan soo dejinta dawooyinka, kuwaas oo inta badan aan lahayn hannaan sugan oo la tacaala waxyeellooyinka caafimaad. Soomaaliya iyo Jabuuti midna horay uma lahayn nidaam rasmi ah oo lagu ogaado laguna warbixiyo dhibaatooyinka la xiriira dawooyinka.

Africa CDC, WHO, iyo hay’ado kale oo taageero ka bixinaya barnaamijka Badbaadinta nolosha iyo maciishada (SLL), labadan dal waxay bilaabeen dhisidda awoodda nidaamkan. Waxaa lagu bilaabay tababarro loo sameeyay shaqaalaha caafimaadka, soo bandhigidda qalabyo dijitaal ah, iyo dirista warbixino ku wajahan VigiBase, oo ah keydka caalamiga ah ee WHO ee lagu kaydiyo warbixinnada badqabka dawooyinka.

“Horumarka ay sameeyeen Soomaaliya iyo Jabuuti wuxuu astaan u yahay isbeddel muhiim ah oo dhanka pharmacovigilance-ka gobolka,” ayuu yiri Dr. Alemayehu Duga, Madaxa Qaybta Kormeerka badqabka dawooyinka ee Africa CDC. “Labada dal waxay bilaabeen dhisidda aasaaska nidaamyo caafimaad oo ammaan ah oo isla xisaabtan leh.”

Sida ay ku dhawaaqday Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Afrika, wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku hawlan ballaarinta nidaamkan guud ahaan dalka, iyadoo la qorsheynayo in la hirgeliyo foomam dijitaal ah iyo habraacyo isku mid ah dhammaan xarumaha caafimaadka ka hor dhammaadka 2025.

Jabuuti, dhankeeda, waxay dhistay waax gaar ah oo maamusha Kormeerka badqabka dawooyinka, taasoo la socota hirgelinta madallo dijitaal ah iyo xoojinta dabagalka iyo la socodka warbixinnada la xiriira dawooyinka.

“Qaar badan oo ka mid ah dalalka Afrika weli ma laha nidaamyo lagama maarmaan u ah ogaanshaha iyo ka falcelinta dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka dawooyinka,” ayuu yiri Dr. Mosoka Fallah, Kuxigeenka Agaasimaha Sayniska iyo Hal-abuurka ee Africa CDC. “Soomaaliya iyo Jabuuti waxay tusaale u yihiin waxa la gaari karo marka la helo taageero xooggan iyo go’aan qaran.”

Africa CDC iyo WHO waxay tilmaameen in casharradii laga bartay cudurka safmarka COVID-19 ay qeyb weyn ka ciyaareen baahida degdegga ah ee loo qabo nidaamyadan. Midowga Afrika ayaa hiigsanaya in ugu yaraan 60% tallaalada laga isticmaalo qaaradda laga soo saaro gudaha Afrika marka la gaaro 2040, taasoo u baahan nidaamyo sugan oo kormeeraya tayada wax-soo-saarka.

Sida ku xusan xogta WHO, Afrika waxay hadda bixisaa wax ka yar 1% warbixinnada ku jirta keydka VigiBase, inkasta oo qaaraddu ay soo dejiso in ka badan 70% dawooyinkeeda. Sideed dal oo Afrikaan ah ayaa durba gaaray heerka saddexaad ee tayada nidaamka sharciyeed ee WHO (Maturity Level 3).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here