Garoowe (Dawan) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa Jimcihii sheegay in ay qabteen Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf, oo loo yaqaan Cabdiweli Walalac, oo ay shegeen in uu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo maaliyadda ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.
War rasmi ah oo lagu baahiyay barta X (Twitter) ee Taliska Howlgallada Ladagaallanka Argagixisada Puntland ayaa lagu yiri:
“Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Cabdiweli Walalac oo ah madaxa maaliyadda ee Daacish iyo isku duwaha xiriirka ajnabiga ah, ”
Howlgalka ayaa la sheegay in laga fuliyay deegaannada Laag iyo Xumbeys ee gobolka Bari, kuwaas oo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee ay kooxda Daacish muddo sanado ah ku sugnaayeen.
Taliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu fuliyay taageero laga helayay saaxiibada Mareykanka, oo ay ka mid yihiin Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay sheegashada in la qabtay sarkaalka Daacish. Ma jirto sawir, muuqaal ama caddeyn la xiriirta howlgalka oo si rasmi ah loo shaaciyay.
Puntland ayaa tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024 kordhisay dadaallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari, iyada oo ay ka taageerayaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.