Sunday, July 27, 2025

Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay Qorshaha Faransiiska ee Aqoonsiga Falastiin

(Addis AbabaDawan) – Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku sheegay in dowladdiisu qorsheyneyso inay aqoonsato Dowladda Falastiin, taasoo lagu sheegay inay la jaanqaadayso siyaasadda muddada dheer ee AU-da ee taageerta madaxbannaanida Falastiin.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa Sabtidii, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Macron uu yahay “tallaabo muhiim ah” oo loo qaaday dhanka xalka waara ee khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, kaas oo salka ku haya shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Bayaan ahaan, go’aankan wuxuu la jaanqaadayaa mowqifka joogtada ah ee Midowga Afrika, sida lagu adkeeyay Kal-fadhigii 38aad ee Golaha AU-da ee dhacay 15-16 Febraayo 2025,” ayuu lagu yiri warka rasmiga ah.

Yuusuf ayaa mar kale muujiyay in Midowga Afrika uu si buuxda u taageersan yahay xalka laba dowladood, iyadoo Israa’iil iyo Falastiin ay si nabad ah iyo amni ku wada noolaadaan. Wuxuuna ugu baaqay dowlado kale inay raacaan tusaalaha Faransiiska si loo taageero himilooyinka sharciga ah ee shacabka Falastiin.

Go’aanka Faransiiska ayaa loo arkaa isbeddelka suurtagalka ah ee siyaasadeed ee Yurub, xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee taageeraya aqoonsiga Falastiin, iyadoo ay jiraan dagaallo socda oo ku saabsan marinka Qaza iyo Daanta Galbeed.

Midowga Afrika ayaa muddo dheer u ol’oleynayay madaxbannaanida Falastiin, isagoo marar badan xusay wax la mid ah halgankii xorriyadda ee Afrikaanka iyo baahida loo qabo nidaam caalami ah oo ku dhisan xeerar iyo is-afgarad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here